Guddiga Diiwaangelinta oo Muddeeyey wakhtiga La kala reebayo Urur-siyaasadeedyada Cusub

Hargeysa, 07 March, 2012 (SLpost)- Gudidda Diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda iyo Ansixintoofs ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga la soo gabo-gabaynayo marxaladda diyaar garowga ururrada siyaasadda, waxaanay sheegeen inuu soo xidhmi doono hawl-galka hubinta ururaddu dhammaadka bishan March.

Waxay Guddigu sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ku qabtay Xafiiskoof magaalada Hargeysa, halkaas uu Afhayeenka guddigu, Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), ka akhriyey  war-saxaafadeed u dhignaa sidan:-

“1- Waxa laga rabaa urur kastaa in ay lixda gobol ugu diiwaan gashan tahay ugu yaraan 1000 oo haysta kaadhka codbixinta.
Hadaba waxa lagu xaqiijinayaa kunka qof.
A) Waa in laga diiwaan geliyo kunka qof iyo kaadhadhkooda xarumaha goboladda, gudidana lagu soo wareejiyo.
B) Waa in xafiiska guud ee goboladda ee ururada lagu diyaariyo ugu yaraan kun qof oo madax ka kow loo tirinayo gobol walba maalinta guddida u cayinto.

C) Gobolka Sool oo duruufo gaari ka jiraan guddidu iyadoo ka duulaysa Qodobka 26-aad Iyo xeerka nidaamka ururadda iyo axsaabta siyaasadda, waxa laga rabaa ururadda inay ka diyaariyaan magaalo madaxda gobolka Sool liiska kun qof ugu yaraan iyo inay magaaladda caynaba ku diyaariyaan xafiiskooda 20% tiradii kunka ahayd ee laga rabay.
D) Gudidu waxa ay bilaabaysaa hawsha kunka lagu xaqiijinayo 18/03/2012 sagaalka subaxnimo iyadoo uu hawlgalkaasi soo xidhmayo 30/3/2012, wuxuuna ka bilaabmayaa magaaladda Boorama.
2- Waxaa kaloo laga rabaa ururadda iyo xisbiyadda inay qabsadaan shirweynahoodii.
Waxay shirweynaha ku samaysanayaan
A) Waa inay ku samaystaan golahoodii dhexe, guddida fulinta, hogaanka ururka iyo qaab dhismeedka ururka.
B) Xeerka ururka iyo barnaamijka siyaasiga ah
C) Shirweyanaha waxa guddidu loo soo gudbinayaa nuqul maqal iyo muuqaal ah oo ay ku dhan yihiin waxyaabihii ugu waaweynaa ee shir weynaha lagu qabtay.
D) Shirweynaha waa inay goob joog ka ahaadaan ugu yaraan xubin guddida diiwaangelinta ka mid ahi.
E) Mudada qabashadda shirweynuhu waxa ay ka ka soo bilaabmaysay 15/04/2012, waxa ay ku eeg tahay ugu dambayn 15/04/2012.
3- Gudidu waxa ay ku dhawaaqaysaa natiijadda kala reebida ururadda 20/4/2012 iyada inta ka gudubtaa ka qayb gali doonaan doorashadda dawladdaha hoose.
4- Waxaanu ururadda u soo jeedinaynaa in ay isku biiraan si ay tayadoodu sare ugu kacdo.
5- Waxaanu ururadda iyo xisbiyadda u soo jeedinaynaa kuna adkaynaynaa in ay ilaaliyaan xeerarka dalka, nabadgalyadda iyo dhaqanka wanaagsan.”

Shirkaasi jaraa’id waxa goob joog ka ahaa xubno ka mid ah Gudida doorashooyinka qaranka iyo ururadda siyaasadda ee diiwaan-shan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net