Guddida Ruqsad-bixinta iyo Anshaxmarinta Qareennada oo shaaciyey Natiijada Imtixaan Ruqsadda Qareennimada ay ku codsadeen 50 Qof

Hargeysa (SLpost) – Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenadda ayaa shaaca ka qaaday natiijada imtixaan ay ka qaadeen hormaddii koowaad ee qareenadda Somaliland.

Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta qareenada Somaliland oo ah guddi madaxbanaan oo ka kooban 7 xubnood oo ka kala socda, Maxkamada sare, ururka qareenadda Somaliland, Wasaarada cadaalada, Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada, ayaa waxa ay koox ka mid ah Qareenada ka hawl-gala Maxkamadaha Somaliland ka qaadeen Imtixaan Khamiistii 4 October 2012, kaas oo ay sheegeen inay ruqsada ku siinayaan Qareenadda ku gudbay.

Guddoomiyaha Gudigan Maxamuud Xusseen Faarax oo ugu horeyn sharaxayay jaran-jaradda uu soo maray Imtixaankani ayaa waxa uu tilmaamay in ay soo codsadeen ruqdsadda Qareenimo 51-qof. “Markii ay guddidu eegtey kow iyo kotonkaa soo codsaday Decument-iyadoodii, haday noqoto Shahaado, haday noqoto CV-ga, haday noqoto warqada denbi la’aanta, haday noqoto Caafimaadka oo aan aad u adkeynayo sababta oo ah maskax ahaan  waa inuu fayow-yahay, markaa ururka dhakhaatiirta ayaa noo soo cadeeya inuu maskax ahaan caadi yahay, wixii decument-igoodu dhameystirnaa waxay noqdeen 9-qof, kuwa kale wax ayaa ka dhinaa, hadday warqadani ka dhiman tahay fursad uma siinayno ilaa inta uu ka soo buuxinayo, sagaalkaasi laba ka mid ahi waxay u gudbeen sida uu xeerku sheegayo qareenimada iyadda oo aan imtixaan laga qaadin inay cashuurta iska soo bixiyaan oo sidaana lagu siiyo liisaanka, labada nin mid waxa uu ahaa macalin waxa ka dhigayay shan sanadood Jaamacada Camuud waana Xassan Cali Xasan oo ahaa ardeydii ka baxday Jaamacada Hargeysa, xubinta labaad waxa weeyaan Foosi oo ahaa qareenada ugu waa weyn waddanka oo muddo ku shaqeeyey xirfada qareenimada sida uu xeerku sheegayo, waxa noogu taala inuu maxkamad rafcaan muddo shan  sanadood ah ka soo shaqeeyay decument-igiisi waxa noo cadaatay inuu ku soo shaqeeyey guddoomiye maxkamadeed oo uu muddo guddoomiye ka soo ahaa maxkamada rafcaanka, isagana waxay noqotey in ruqsadii la siiyo”. “Xubnaha  imtixaanka laga qaaday waxay ahaayeen todoba qof, waxaana ugu sarreeyay Xasan Faarax Maxamed oo keenay 94% (Boqolkiiba afar iyo sagaashan) aad ayaan ugu hambalyeynayaa waxa uu ahaa raggii isku kal-soonaa markii la yidhi imtixaan ayaa loo fadhiisanayaana way wada yimaadeen. Cabdiqaadir Cabdillaahi Ibraahim waxa uu keenay 77%, isaguna waxa uu ka mid ahaa qoladii ka qeybqaadatey tababarkii garsoorka ee Jaamacada Hargeysa ka soo baxay, Maxamed Maxamuud Xaashi waxa uu keenay 76%, isaguna waxa uu ka mid ahaa ardeydii ka baxday Jaamacada Hargeysa ee isku kalsoonaa ee imtixaanka u fadhiistey, Nuura Cali Cabdi waxay keentey 68% oo way gudubtey, Safiya Aadan Jaamac waxay keentay 65% wayna gudubtey, Abubakar Sheekh Maxamuud waxa uu keenay 54% waanu gudbay, Abubakar Ciid Ibraahim Warsame waxa uu ka hooseeyay natiijadii loogu talogalay.”

Guddoomiyaha Guddigu waxaa uu tilmaamay in guddi ahaan ay ku shaqeeyaan tabaruc, islamarkaana, aanay wax mushahar ah ka qaadan Dawladda. “Todobada Xubnood ee Guddiga ahi, waxay u xilsaaran-yihiin sida uu xeerku sheegayo inay Ruqsadda bixiyaan, Imtixaanana ay qaadaan, waxaa kale oo ay u xilsaaranyihiin inay anshax mariyaan Qareenada.. Waxaan halkan, Aggaasimihii Wasaaradda cadaaladuna waa uu joogaaye, ka cadaynayaa, in aanaan guddi ahaan wax mushahar ah qaadan ee dalka ugu shaqeyno Tabaruc.” Ayuu yidhi Garyaqaan Maxamuud, waxaana uu intaas ku daray inay sii waddayaan Imtixaanaadka.

Mar uu ka hadlayay fursaddaha shaqo ee ardayda Jaamacadaha ka soo baxda, guddoomiyuhu waxaa uu yidhi, “Annigu Jaamacada Hargeysa ahaan waan la soconaa, Ardayda sharciga baratay waxay ka mid-yihiin kuwa ugu fursadaha badan, mid iskii u shaqaysta oo tusaale ahaan Garyaqaan Xassan Faarax Maxamed oo Imtixaankana ugu sareeyay, waxaa uu ka baxay Jaamacada Hargeysa waxa uu ka mid-yahay qoladda aas-aastay ururka Watershed Legal Services, aadbaanan ugu farxay uguna hanbalyaynayaa Garyaqaan Xassan” Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Guddida

Waxaana shirkan jaraa’id oo lagu qabtay Wasaarada Cadaalada maanta lagu soo bandhigay Qoraal ay ku saxeexanyihiin Guddiga qaaday Imtixaankan Qareenada oo kala ah. “Xildhibaan Cabdiraxmaan Ismaaciil Caalin oo isaguna ka socday Golaha Wakiillada Somaliland, Jaamac Cilmi Xaashi waxa oo ah Guddoomiyaha ururka qareenada, Jirde Siciid Maxamed oo ah xubin ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, Yaasin Xasan Ismaaciil oo ah xubin ka socota Garsoorka Maxkamada Sarre, Cabdi Cabdilaahi xoghayaha,  iyo Koos Maxamed Yuusuf oo ka socota Wasaarada Cadaalada Somaliland.” Ayuu yidhi Garyaqaan Maxamuud,

Agaasimaha guud ee Wasaarada Cadaalada Somaliland Md. Galaydh oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahadnaqay guddida ruqsad bixinta iyo anshaxmarinta qareenada isaga oo ku ammaanay inay hawl-weyn qabteen oo ay u qabteen Qarankooda iyo umaddooda. “Sharcigu waa waxa kaliya ay umaddu ku kala haganto oo ay umaddu ku kala socoto, haddii uu sharcigu xumaado xukunkuna wuu xumaanayaa ilaa maamulkuna wuu xumaanayaa dawladnimaduna way xumaanaysa sharcigu waa wax ka weyn wax-kasta,waxaan sharci u baahnayna ma jiro”. “Maxkamadaha dalka waxa jira looyaro ku shaqeysan jirey mihnadan oo kii aqoonta lahaa iyo kii aan aqoonta lahayn, iyo kiwii shahaadada sitey iyo kii aan sidanin shahaadada-ba waxooduba ay is-barbar yaacayeen, tani waxay kala hufeysaa dadkii xaqa u lahaa inay mihnadan ku shaqeeyaan oo ay u shaqeeyaan dadka iyo dalka, qof aan dariiqa marina maxkamada ma hortagayo marka danbe looyarna ma noqonayo, dhamaan gobolada dalka oo dhana waa laga hirgelinayaa,” ayuu yidhi agaasimuhu.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net