Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland oo kulan Xog-waraysi ah la yeeshay Maayarka Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (SLpost – Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta kulan xog-waraysi ah layee latay maayarka Caasimadda Hargeysa engineer Xuseen Maxamuud Jiciir halkaa soo ay kaga dhagaysteen xogo la xidhiidha xaalada Caasimadda Hargeysa.

Kulan guddidu la yeelatay maayarka oo hore dhawr jeer u baaqday ayaa maanta ay ka weydiiyeen su,aalo kooban dhinacayada bilicda magaalada isaga oo faah-faahin ka xibiyey su’aalahaasi .

Maayarka oo ugu horeyn war bixiyey habka ay u shaqeeyaan dawladda hoose ee Hargeysa ,w axa uu sheegay in xilkan maayarnimo uu hayey muddo 1o sanno ah taas oo miisaaniyadda dawladda hoose ay ahayd  todoba billion oo shinlinka Somaliland Sannadkii 2-aadna ay gaadhay 20 billion “Waxaanu ugu imi mansabkan maayarnimo iyada oo dawladda hoose ay leedahay  hal Computer taas oo aanu wax badan ka badelay ,waxa kale oo aanu mushaharo u qornay qaarka mid ah dadka danyarta ah waxaanu waxbarashada ka bixinaa shaqaalaha dawladda hoose qaar kuwaas oo dhigta jaamacadaha dalka “ayuu yidhi Maayar Jiciir.

SLpost News/Hargeysa