Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Wakiillada Oo Su’aalo Waydiiyey Wasiirka Macdanta

Hargeysa(SLpost)- Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa u qaabilsan golaha wakiillada Somaliland ayaa kulan xog-waraysi ah oo saacado qaatay maanta la yeeshay wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, oo ay weheliyaan madaxda kale ee wasaaraddiisu.

Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu dhammaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyay wasiirka macdanta iyo guddoomiyaha guddida ilaalinta hantida qaranka, kuwaasi oo sheegay in su’aalihii xubnaha guddidu qabeen laga gaadhay is faham kadib markii la lafo guray arrimo badan oo ku saabsan shaqada wasaaradda macdanta iyo tamarta.