Guddida Dhismaha Jidka DAWGA-CAD oo guddoomay Deeq Lacageed la soo gaadhsiiyey

Hargeysa (SLpost)- Haweenka Qurba-joogta Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa deeq lacageed soo gaadhsiiyey guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD, kuwaasi oo dedaal ugu jira dhamaystirka waddadaasi oo meel wanaagsan mareysa.

Guddoomiyaha Guddidaasi, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo deeqdaasi kaga soo guddoomay dalka Ingiriiska haweenka Qurba-joogta ah, ayaa shir jaraa’id oo xubnaha guddidu ku qabatay huteelka Maansoor ee Hargeysa, waxa uu ku faahfaahiyey lacagtaasi ay haweenka reer Somaliland ee Ingiriisku ugu soo tabaruceen dhismaha Jidka DAWGA-CAD.

dawgacad“Waxaan ugu bushaareynayaa guddida dhismaha Jidka Dawga-cad in haweenkeena Ingiriisku ay salaam idiin soo dirayaan, aadna raali uga yihiin hawsha aynu haynno, ILAAHAY idamkiina ay innala dedaalayaan. Haweenkaasi iyada oo cimilada Ingiriisku aad u xun tahay ayay haddana guri guri lacagta uga soo ururiyaan, wax la qiyaasi karana maaha Barafta dhacaya iyo sida ay maalin walba hawshaasi ku jiraan, waxayna hablahaasi ii soo dhiibeen lacag fiican” ayuu yidhi, Guddoomiye Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxaanu intaasi ku draray “Haweenkaasi oo ay hormood u yihiin Caasha Ayban, Aamina Xasan Balxaaf, Khadra Cabdiraxmaan Cumar Xaashi, Hibo Ismaaciil Muuse, Sahra Cabdi Mataan, Foosiya Xasan Xaashi iyo hablo kale oo aanaan Magacyadooda wada tirin karin waxay ii soo dhiibeen lacag dhan $ 12,373 (12 Kun, 3 boqol iyo 73 doolar. Lacagtaa waxaan ku shubay Akownka jidka DAWGA-CAD.”

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo isaguna ka mid ah Guddidaasi ayaa amaanay doorka shariifka ah ee haweenku ka qaataan dhismaha jidka DAWGA-CAD “Haweenka waanu uga mahad celinaynaa juhdiga iyo dedaalka badan ee ay ku bixiyeen lacagtaasi, waxaanuna ugu duceynaynaa in ILAAHAY u barakeeyo ubadka, nafta, arsaaqda, halkii ay ka soo saareena uu ILAAHAY Miisaanka xasanaadka ugu daro. Meel kasta oo imika deeqi nooga timaaddo waa dumar uun, laakiin raggu way yar yihiin ama waa Magac uun (Waxay soo diraan)…waddadana waanu qornay, laakiin hawsheedu imika ayuun bay inoo bilaabmaysaa, waynuna wadeynaa inta ILAAHAY innagu simo”