Golaha wakiillada Oo Maxakamadda Dastuuriga Ah Dacwad U Gudbinaya

Hargeysa(SLpost)– Golaha wakiillada Somaliland oo ka fal celinaya qaraar shalay uga yimid Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay inay dacwad u gudbinayaan Maxakamadda sare ee Somaliland, ahna ta dastuuriga ah.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay golaha u soo gudbiyay digreeto uu ku diidan yahay dhaqan galinta go’aanka golaha wakiilladu ku laalay in Kaydka haamaha shidaalka Berbera lagu wareejiyo shirkado dhawr ah oo shidaalka soo dejiya.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay wakiillada, balse xogo wargeyska Jamhuuriya helay ayaa iftiimiyay in goluhu qoondeeyay in maxakamadda sare ka gar noqdo qaraarka golaha wakiiladdu aqlabiyadda ku ansixiyay axaddii ee ah inaan hay’adda haamaha shidaalka la wareejin iyo diidmada Madaxweynuhu ku diiday in qaraarka golaha wakiilladu meel maro.

Golaha wakiillada ayaa Axaddii meel mariyay mooshin lagu diidan yahay in ganacsato lagu wareejiyo hantida qaranka ee ah Kaydka shidaalka dalka, waxaana talaabadaasi ku diirsaday bulshada, iyadoo mucaaradku ku macneeyay markii u horaysay ee goluhu hawshiisa qabsaday.

Maxakamadda sare ee Somaliland oo lagu xasuusto xallintii khilaafka Mucaaradka iyo xukumadda ee shirweyne Mucaaradku lahaa iyo ka gar naqistii muddo kordhinta ayaa keentay in lagu dhiiraddo u gudbinta dacwaddaha amma murannada jira.

Xigasho Jamhuuriya