Golaha Wakiillada oo Maanta Ansixiyey Hormadii Labaad ee Wasiirro Madaxweyne Siilaanyo dhowaan magacaabay

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay cod gacan-taag ah ku ansixiyey Wasiirro iyo Wasiir Ku-xigeenno uu bilihii la soo dhaafay xilalka u magacaabay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuwaasoo ansixintooda Golaha loo soo gudbiyey.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayay Xildhibaannadu ku-meel-mariyeyeen ansixinta Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka, Biyaha, Kalluumaysiga, Wasiiru-dawlayaasha Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Nabadaynta gobollada Bari halka sidoo kalena ay ansixiyeen Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Warfaafinta, Beeraha, Shaqada iyo arrimaha bulshada. Waxaana fadhigaa ka soo xaadiray Mudanayaal tiradoodu dhammayd 46 Xildhibaan oo ka tirsan 82 Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay.

Waxaanu Guddoomiye Cirro Mudanayaasha ka dalbaday inay cod gacan-taag ah ku ansixiyaan Masuuliyiinta liiskooda loo soo gudbiyey ee Madaxweynuhu dhawaan magacaabay, waxaanay codayntaasi u dhacday sidan:- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxaa ansixinteeda oggolaaday 45 Mudane, cid diidday iyo cid ka aamustayna ma jirin, Guddoomiyahuna ma codaynin sidaas ayaanay ku ansaxday Wasiirka Deegaanku.

Golaha_Wakiilladda_SomalilandWasiirka Wasaaradda Biyaha Xuseen Axmed Cabdalle, waxaa oggolaaday 45 Xildhibaan, cid diidday iyo cid ka aamustay midna ma jirin, Guddoomiyahuna muu codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay Wasiirka Wasaaradda Biyaha.

Ansixinta Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax, waxaa oggolaaday 42 Mudane, waxaa ka aamusay hal Xildhibaan, waxaana diiday laba Xildhibaan, Guddoomiyahuna muu codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay Wasiirka Wasaradda Kalluumaysiga.

Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle waxaa ogolaaday 43 Xildhibaan, cid diidday ma jirin, waxaa ka aamusay laba Mudane, Guddoomiyahuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xooluhu.

Wasiirul-dawlaha Nabadaynta iyo horumarinta gobollada Bari Cali Maxamed Axmed (Cali-Sandulle), waxaa ansixiyey 45 Mudane, Guddoomiyahuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Wasiiru-dawluhu.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, waxaa oggolaaday 43 Mudane, waxaa diiday laba Mudane, cid ka aamustayna ma jirin, Guddoomiyuhuna ma codayn, sidaasaanu ku ansaxay.

Wasiir Ku- xigeenka Wasaaradda Beeraha Aadan Ibraahim Maxamed, waxaa oggolaaday 43 Xildhibaan, hal Mudane ayaa diiday, hal Mudane-na wuu ka aamusay, Guddoomiyahuna ma codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Wasiir Ku-xigeenka Beeruhu.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, waxaa oggolaaday 44 Mudane cid diidday ma jirin, waxaana ka aamusay hal Mudane, Guddoomiyahuna ma codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Geesta kalena mudanayaasha golaha wakiilada waxaa loo qaybiyey xeerarka kala ah:

Xeerka hab maamuuska Madaxweynaha iyo Madaxweymne Ku-xigeenka. Xeerka HIV AIDS-ka, Xeerka Xabsiyada, Xeerka Ciidammada Booliska, qabyo qoraalka xeerka horumarinta waddooyinka, wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka Qareennada iyo Xeerka Caasimadda.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa