Ganacsatada Dhaqata Geel Caanihiisa loo Iib-geeyo Hargeysa oo Urur Samaystay

Hargeysa (SLpost)- Ganacsatada Caanaha Ka keena Geel si gaar ah loogu xanaaneeyo Beero ku yaala Duleedka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa kulan ay maanta isugu yimaaddeen kaga dhawaaqay Urur ay ku midaysan yihiin oo ka tarjuma wax-soo-saarkooda.

Kulankan oo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa, waxa isugu yimi Mulkiilayaasha Iska Leh Dhaqashada Geel lagu xannaaneeyo duleedka Caasimadda oo Caanahooda la keeno magaalada, ayaa ujeeddadiisu ahayd mid ay kaga tashanayeen sidii ay u muujin lahaayeen wax-soo-saarkooda si u noqdo mid midha-dhal ah oo ay ku soo bandhigeen heerka ay kaga jiraan wax-soo-saarka bulshada.

HALKAN KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN