Gaarrisa: Ciidamada Kenya Oo Jidh-dil U Gaystay Dhalinyaro Soomaali Ah

Gaarisa, (SLpost)- Waxa la soo bandhigay muuqaallo muujinaya ciidamada Kenya oo si xun u garaacaya dhalinyaro Soomaali Kenyaan ah meel u dhow magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi barri Kenya.Gaarisa
Sawiradan oo uu qaaday mid ka mid ah Askarta Booliska Kenya ayaa muujinaya Askarta oo la dhacaya dhalinyarada Budhadh Iyo Qori Dabadii si ay u helaan xogdheeraad ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ururka Al-shabaab.
Taliyaha Guud ee ciidan Booliska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay baadhayaan Eedaynta loo soo jeediyay askarta Kenya ee ku sugan Gobolka Waqooyi Bari, warbixina ay ka soo saari doonaan.
maalmo ka hor ayay ahayd markii Ururka Al–shabaab ay deegaanka Yumbis ku dileen ku dhawaad 20 askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya.
Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waxa ka taagan dhibaatooyin amni Xumo, taas oo ay sababeen is u gaadhsiga u dhexeeya Ciidamada Kenya iyo Ururka Al-shabaab.

Somalilandpost.net