Farxaddu waxay Caawisaa in cimrigaagu dheeraado

Qofka farxada badan, noloshana xaga wanaagsan ka eega wuu cimri deeraadaa dadka kale, ayey saynisyahano baadhitaano sameeyey sheegeen.

Saynisyahanadaa ayaa si cad u ogaaday in farxadu wadada u xaadho caafimaad qabka iyo cimri dheerida.

Cilmi baadhayaasha jaamacada Illinois ayaa ogaaday in fikirka wanaagsani yareeyo dheecaanada keena isku buuqa, sidoo kalena badiyaan habsami u shaqeynta wareega dhiiga.

Baadhitaanadooda oo lagu daabacay jariidada fikirka la tijaabiyey Caafimaadka iyo firfircoonida aya alagu ogaaday in farxadu keento  in degdeg looga soo kabto werwerka.

Halka sidoo kale lagu sheegay n werwerka, walbahaarka iyo cadhada si weyn loola xidhiidhiyo keenitaanka cudurada iyo cimri gaabni. Dadka cadhada badan ama ku nool xaalad degenaansho la’aan ayaa la sheegay inay ku badan tahay xanuunada badiyaana xilli hor dhinta. “Gebi ahaanba waa la yaabay, dhabtiina la fajacay markaan arkay baadhitaanadaa,” ayuu yidhi Prof Ed Diener, oo hogaaminayey badhiitaanadaa.

 “(Gebi ahaan) baadhitaanadaasi waxay sheegayeen in farxadu mataano yihiin caafimaadka iyo cimri dhereka.”