Fanaaniinta Xiddigaha Geeska oo Sannadkan soo Bandhigay Heeso ka Duwan Kuwoodii hore (DAAWO)

Fannaaniinta XIDDIGAHA GEESKA, ayaa bandhig-faneedkoodii CIIDDA ee sannadkan ku soo bandhigay heeso ka duwan kuwii hore looga bartay oo inta badan Music-ga Casriga ah ay Heesaha Ku qaadaan bandhig-faneeedyadooda ay ka baahiyaan Telefishannada. Waxa sannadkan bandhig-faneedkooda qayb ka ah Heeso loogu tumayo Kaban (Qaaci) ku cusub guud ahaan Fankooda, marka laga reebo dhowr heesood oo qaarkood hore u qaadeen.

laba fannaanBandhig-faneedka sannadkan iyo Munaasibadda Ciidda oo laga baahiyey telefishanka QARANKA, SLNTV, waxa ku jira laba heesood oo ay kala qaadayaan Yurub Geenyo iyo CabdiHani oo ka mid ah Xiddigaha waaweyn ee Kooxda.

Fannaanadda Yurub Geenyo oo la odhan karo Waa Fanaanadda Kaliya dhanka Haweenka ee Sannadihii u dambeeyey ka soo dhex-mudhay Hooyada Fanka ee Hargeysa, ayaa Bandhigga Ciidda Xiddigaha Geeska ee ay ka tirsan tahay xalay ku soo bandhigeen Telefishanka Qaranka, waxa heesihii ay kaga qayb-qaadatay ka mid ahaa Hees Qaraami ah nooca loo yaqaannno RAAXEEYA-ha oo ay iska yaryihiin Fannaaniinta wakhtigan ee u badheedhi kara inay codkooda ku qaadaan isla markaana lagu xaqiijin karo tayada Fanaanka ama Fannaanadda hibada ugu leeyihiin Fanka Soomaaliyga.

HALKAN KA DAAWO  YURUB GEENYO iyo Heesta RAAXEEYE-ha ah

HALKAN KA DAAWO HEES KABAN AH IYO FANAANKA CABDIHANI.