Ergayga Midowga Yurub oo ka hadlay Wada-shaqaytooda Somaliland iyo Mustaqbalka Xafiiskooda Hargeysa

MICHELLENairobi (SLpost)- Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso, ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadlay Qorshe Albaabada loogu laabayo Xafiiska Midowga Yurub ku leeyahay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahintu wax ka weydiisay warar laga helay Midowga Yurub, ayaa sheegay in Midowga Yurub hoos u dhigayo hawlaha uu qabto xafiiska ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa, isagoo taas ku sababeeyey Arrimo dhaqaale iyo kharashaadka EU-du ku bixiso Xafiisyadeeda oo la dhimayo.

Ergayga Gaarka ee Midowga Yurub, Danjire Michele Cervone d’Urso, ayaa arrintan kaga hadlay farriin Qoraal oo uu ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, waxaanu meesha ka saaray in Midowga Yurub joojinayo xidhiidhkii wada-shaqayneed ee ka dhexeeyey Dowladda Somaliland, isagoo sheegay inay sii wadayaan wada-shaqaynta iyo joogitaankooda Somaliland, balse waxa uu xaqiijiyey inay u guurayaan meel kale.

Farriinta Danjire Michelle ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa u qornayd sidan:- “Midowga Yurub wuxuu la sii shaqaynayaa Somaliland, waanu sii wadayaa joogitaanka Hargeysa. Waxaanu u guuraynaa Xafiisyo Cusub,” Sidaas ayuu yidhi Danjire Michelle.

Xisbiyada Mucaaradka ah oo ka hadlay go’aanka Midowga Yurub ku khafiifinayo hawl-galka Xafiiskooda Hargeysa, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid ka dhalatay muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxayna qayb ka noqotay eedaymo xukuumadda loogu jeediyey inay hab-dhaqankeedu dalka u horseeday go’doon siyaasadeed iyo inay lumaisay kalsoonidii iyo wada-shaqayntii beesha Caalamka iyo Somaliland ka dhaxaysay.

Somalilandpost.net