DUBAI: Madaxweyne Siilaanyo oo Hotelka uu Deggen yahay Ku qaabilay Saleebaan Xaglo-toosiye

Dubai (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magaalada Dubia ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku qaabilay Hoggamiyaha Kooxdii SSC Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xagla-toosiye), waxaanay kulankaas iskula af-garteen in wax badan laga qabto adeegyada Aasaasiga ah ee bulshada, Nabad-gelyada iyo in dantu ku jirto wax wada-qabsiga iyo wada-noolaanshaha.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Saleebaan Xaglo-toosiye kala hadlay sidii deegaannada gobolka Buuhoodle iyo qaybo ka mid ah gobolka Sool loogu dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni ka tis-qaadda deegaamadaas.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Cabdilaahi Daahir Cukuse, kaas oo isaga oo dhammeystiran u dhignaa sidan:-

“Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Waxa uu maanta ku qaabiley Qasriga uu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL, Hogaamiyaha Kooxdii SSC, Saleebaan  Ciise  Axmed Kaar (Xaglatoosiye).

 Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha SSC waxay ka wada hadleen sidii deegaanada Buuhoodle iyo qaybo ka mida Sool loogu soo dabaali-lahaa nabad-gelyo buuxda oo taam ah.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu waxay  istu-seen isla markaana kuwada Qanceen baahida ay shacbiga deegaanadaasi u qabaan in ay walaalahooda dalka ee kale la wadaagaan horumarka dhanwalba leh ee wax-barashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sida biyaha Iwm.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu dhiniciisa soo dhawaynayo dedaalka lagu soo Af-jarayo khilaafka jira oo dhan, wuxuuna hogaamiyaha SSC-da kula dar-daarmay inuu si dhakhso ah uga hawl-galo.

Saleebaan  Ciise  Axmed Kaar (Xaglatoosiye) waxa uu balan qaaday inuu ka hawl-gelayo sidii khilaafka loo soo Af-jari lahaa, waxaanu sheegay inay reer soomaaliland yihiin dad wada dhashay oo aan sinaba u kala maarmaynin, Dantuna ay ku jirto wax-wada qabsiga iyo wada jirka.”

SLpost News/Hargeysa