Dr. Cumar Cilmi Dixood Ayaa Ku Geeriyooday Gurigiisa Habeenimadii Xalay Ahayd

 

Hargaysa(Slpost):-Waxa goor dhawayd magaalada Hargaysa ku geeriyoodday Dr. Cumar Cilmi Dixood oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta waa wayn ee Somaliland,kadib markii uu u geeriyoodday xanuun si kedis ah ugu soo boodday.

Dr. Cumar Cilmi Dixood waxa uu ka mid ahaa dhawrkii qof ee Aasaasay ururkii SNM, waxaanna ka mid ahaa siyaasiyiintii doorka wanaagsan ka soo qaatay Nabaddayntii iyo dib u dhiskii jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu la soo shaqeeyay dhammaan-ba Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland soo marra.

Dr. Cumar Cilmi Dixood waxa uu hadda hayay oo uu ahaa La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland.