Dr. Cabdi Xuseen Gaas oo ku Guulaystay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare sannadkan gudihiisa u magacowday inay soo xulaan Cidda ku habboon xilka Guddoomiyaha iyo dib u eegista Arrimaha Dhaqaalaha Jaamacadda, ayaa Dr. Cabdi Xuseen Gaas u doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, ka dib markii sida ay guddigu sheegtay, uu noqday qofkii kali ahaa ee buuxiyey shuruudaha looga baahnaa qofka buuxinaya booskan.

Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo Warsaxaafadeed ay xalay warbaahinta soo gaadhsiiyey, waxa ay ku sheegeen in booska guddoomiyaha Jaamacadda markii hore soo codsadeen 21 qof  balse markii qaar ka mid ah codsadayaashu buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa, warbaahinta dib loogu baahiyey booska, markii dambe ee la kala reebay dadkii soo codsaday, uu Dr. Cabdi Xusen ka mid noqday shan qof oo markii dambe laga soo dhex xushay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka Guddiga oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

“Xulashada Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo loo xil-saaray Guddida Sare ee Jaamacadda oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa

Guddida Jaamacadda Hargeysa oo la magacaabay horraantii sanadkan si ay u gudo galaan horumarinta Jaamacadda, soo xulista guddomiyaha jaamacadda iyo dib u eegista arrimaha dhaqaalaha jaamacadda,  ayaa waxay muddo dheer ku guda jireen ka gun gaadhista arrimahaas.

Waxa xulashada Guddoomiyaha Jaamacadda lagu soo xayeysiiyey saxaafadda. Waxa soo doontay jagadaas markii hore 21 qof. Waxa ay qaarkood noqdeen kuwo buuxin waayey shuruudihii laga doonayey.

Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo eegayesa danta jaamacaddu waxay go’ansatay inay mar labaad dib u xayeysiiso si ay dad kale fursad ugu helaan  jagadaas.

Muddo ayaa guddidu ku jirtay kala shaandhaynta dadkaas jagada guddoomiyaha soo doontay. Waxa la sameeyey kala reebis, iyadoo waraysigii ugu dambeeyey laga qaaday shantii qof ee buuxisay shuruudihii aqooneed, waayo aragnimo iyo farsamo ee looga baahnaa.

Sidaa daraddeed, waxa jagada guddomiyaha Jaamacadda Hargeysa tartankii loo galay ku guuleystay Dr. Cabdi Xuseen Gaas.

Dr.  Cabdi Xuseen Gaas waxa uu muujiyey aqoonta, waayo aragnimada iyo hogaaminta looga baahan yahay Guddoomiye Jaamacadeed. Wuxuu haystaa shaqahaadada Ph. D. in Education (Shahaadada  Bare ama waxbarasho  ee ugu sarreeysa), Masters in Management (Maamulka iyo Maareynta) iyo Accounting Degree (Xisaabaadka) isagoo qaatay liisanka xisaabaadka ugu sarreeya ee loo yaqaan Certified Public Accountant (CPA).

Wuxuu in badan ka soo shaqeeyey xarumo waxbarasho oo kala duwan, isla markaana noqday ninkii keliya ahaa ee jinsiyada madow u dhashay, muslimka ah ee guddoomiye waxbarasho ka noqday qayb ka mid ah gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka.

Isagoo dib u habayn ku sameeyey xarumo waxbarasho, waayo aragnimo badana u leh toosinta xarumaha waxbarashada. Mareeye sarena ka noqday hagidda waxbarashada iyo miisaanayadeeda qayb ka mid ah gobolkaas.

Guddida oo ku qanacsan dhammaan arrimahaas la soo sheegay, isla markaana tartan siman u soo bandhigay aqoon yahankii jagadan soo doontay, waxay  ogeysiinayaan bahda waxbarashada, gaar ahaan inta danaysa Jaamacadda Hargeysa in Dr. Cabdi Xuseen Gaas loo xushay jagada Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo dhowaana xilka la wareegi doona.”

Xilka Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa waxa si ku-meel gaadh ah u sii hayey Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Muuse Aadan Axmed oo xilkaas iska casilay 9-kii Bishii 4aad ee Sannadkan isaga oo xilka guddoomiyenimada hayey muddo Shan bilood ah, waxaanay tallaabada is-casilaaddiisu ka dib markii ay soo baxeen cabashooyin ka dhan ah maamulka Jaamacadda oo ay Ardaydu ka muujiyeen lacago lagu kordhiyey. Waxa uu Guddoomiyuhu wakhtigaas is-casilaaddiisa u nisbeeyey, marka laga yimaaddo cabashada ardayda, faro-gelin uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Arrimaha Guduhu ay warbaahinta uga jawaabeen cabashada ardaydaas iyada oo aan lagala tashan maamulka Jaamacadda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net