Doorashadii Baarlamaanka Ciraaq Oo Maanta Loo Dareeray Iyo Laba Qarax Oo Sababay Dhimasho in ka badan toban ruux

Ciraaq (Slpost) Laba qarax ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen dalka Ciraaq, kuwaas oo sababey dhimashada 10 qof maalin ka hor doorashadii ugu horeysey ee dalka ka dhacda tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay isaka baxeen Ciraaq sannadkii 2011.

images (3)

Qaraxyada ayaa ka dhacay degaanka al-Saadiyah, oo ilaa 140 kilometer ka xigta Baqdaad. Qaraxyo maalintii Isniinta ka dhacay caasimadda iyo qeybo ku yaalla waqooyiga dalka ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan 50 qof.

Khubarrada arrimaha dalkaasi u dhuun daloola ayaa sheegayaa in dadka codka dhiibanaya ay u badan tahay inay u codeeyaan qaab ku saleysan mad-habta diimaha iyo qowmiyadaha, iyadoo aaney jirin xisbi heli aqlabiyadda kuraasta loo tartamayo.

 images (5)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa cambaareeyey weerarada lala beegsanayo hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo musharixiinta dalka Ciraaq.