Dhegayso:Wasaaradda Maaliyadda oo bilowday Olole laba Todobaad Gudihii lagu lagu ekaysiinayo Ururinta Cashuuraha

Hargeysa(SLpost) Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in guud ahaanba dalka laga bilaabay ololaha ururinta cashuuraha berriga. Sidaasina waxa shaaca ka qaaday Wasiirul dawlaha wasaaradda maaliyadda Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Waxaanu sheegay Wasiirul dawlaha wasaaradda maaliyadda in marka laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-ka bisha October in uu si rasmi ah u bilaabmay ololaha ururinta cashuur berriga ee gaadiidka, isla markaana uu ololahaasi socon doono muddo shan iyo toban maalmood ah.
wasiirul dawlaha maaliyadu waxa uu tilmaamay in bixinta cashuurta loo siman yahay wasiir ilaa shaqaale dawladeed, sidaasi darteed, qof kasta oo ay ku waajibtay looga baahan yahay in uu si toos ah u bixiyo.Waxaanu sheegay oo kale in arrintan looga dan leeyahay si kor loogu qaado dakhliga cashuuraha berriga.

isaga ka hadlaya gobolada iyo degmooyinka uu ololahani sida tooska ah uga bilaabmay waxa uu yidhi “ololahan cashuur ururinta ee aanu bilaabaynaa waxa uu ka tirsan yahay waa cashuurihii wado marista, oo ay waaxda cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadu qaabilsan tahay, masuulna ka tahay, waxaanu ka bilaabmayaa goboladda Maroodi Jeex, Awdal, Gabiley, Burco, Oodweyne, Caynabo, Ceerigaabo Laascaanood iyo Sheekh iyo guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland”.

Cismaan C/laahi Cadaani ayaa kula dardaarmay shaqaalaha waaxda cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadu in aanay waxba ka hagran aqoontooda, xirfadooda iyo kartidoodaba muddada ay hawshaasi culus ku gudo jiraan isla markaana ay sida loogu talogalay dakhliga u soo xereeyaan “waxaan idin kula dardaraarmayaa ama aan idinka codsanaynaa idinka oo hawl wayn qaranka u haya in cashuurta saddexda bilood ah ololahan oo qaranka u haya in cashuurta saddexda bilood ah ololahan oo shan iyo toban maalmood socon doona in aad 15-kaa cisho waxaanu doonaynaa, sanadka dhamaadkiisii ayaa lagu jiraa, Illaahayna ha idin la qabto, waxaad karti leedihiin iyo xirfad iyo tababar in aydaan waxba la hadhin, inay cashuurahaasi ku soo xeroodaan” ayuu yidhi wasiirudawlaha maaliayaddu.

Dhinaca kale wasiirul dawlaha wasaaradda maaliyada oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo agaasime waaxeedyaddu waxa ay kormeer ku soo mareen xarumaha kala duwan ee degmooyinka caasimada ee ay cashuur ururinta gaadiidku ka socotay.

cadaani

 

 

 

 

 

 

 

Hoos guji oo ka dhageyso

Somalilandpost.net

Hargeysa