Hargeysa (SLpost)- Madaxweynahii 2aad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Naxariistii Janno Eebbe ha ugu Deeqee, ayaa weedho dhaxal-gal ah uga tagay Beesha uu ka soo jeedo ee Ciise Muuse wakhtigii uu talada dalka hayey, isaga oo u soo jeediyey inaanay Madaxnimadiisa hor-istaagi doonin Xaqa ay Beel ahaan ku leeyihiin dalka, laakiin aanay heli doonin sed dheeraada oo ay kaga badsadaan Beelaha kale ee Somaliland.
Madaxweyne Cigaal oo sannadkii 2001 magaalada Dacar-budhuq kula hadlayey Dadweyne Beeshiisa ah wakhtigii lagu gudo-jiray ololahii Codeynta Dastuurka Somaliland, ayaa waxa uu u sheegay inaanu uga tagayn markuu dhinto ama xilka ka dego inuu dhaxalsiiyo Nacayb iyo takoor ay Kala kulmaan Beelaha kale Somaliland.
Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa uu sannadkii 2002 Bishii May 03 ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Africa oo Xaalad Caafimaad loo geeyey, waxaanu ahaa Hoggaamiyihii Dhidibbada u taagay Dhismaha Qaranimada Somaliland maanta ku naaloonayso.
HALKAN KA DAAWO
SOMALILANDPOST.NET