Is-Casilaadda Masuuliyiinta Ka Tirsan Xukuumadda Kulmiye oo Sii Kordhaysa

 

Hargeysa(SLPost)Wasiirada Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiir Ku Xigeenka Deegaanka, Wasiir-ku xigeen Nimco Xuseen Qawdhan, Wasiir-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo Afhayeenka madaxtooyada ayaa la sheegayaa in ay goor dhaweyd iska casileen xilkii ay ka hayeen xukuumadda. Waxa iyaguna imika ku soo biiray Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif , Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir.

 

Iscalaaddan oo goor dhaweyd uun soo baxday ayaa la sheegayaa in ay ka dambaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku amray in ay ku dabo faylaan, Murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi oo uu u sheegay in looga hadhay.

 

Wararka is casilaadda ayaa isasoo taraya iyada oo ay u badan tahay garabkii Maxamed Biixi ee ka soo horjeeday Muuse Biixi Cabdi. Waxa kale oo la fillayaa in ay goor dhaw masuuliyiin kale ku dhawaaqaan is casilaaddooda

 

 

Warkan oo faahfaahsan mar dhaw ka fillo Somalilandpost.