Dawladda Uganda oo 10,000 oo Askari ku xoojinaysa Ciidammada AMISOM ee ku sugan Muqdisho

Kampala (SLpost)- Dawladda Uganda ayaa shaaca ka qaadday inay ka jawaabayso codsi ay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ku dalbadeen 10,000, oo Askari oo xoojin ah, si ay howlgalladooda ugu baahiyaan meelaha ka baxsan Muqdsiho.

Ciidammada AMISOM ayaa sheegay in Ciidammada ku sugan Muqdisho ee ka socda Burundi iyo Uganda aanay ku filayn sugidda ammaanka Muqdisho oo keliya, balse haddii ay helaan ciidammo kale oo dhaaraada ay howlgalkooda gobollada kale ee dalka ku baahin karaan.

Taliyaha Ciidammada AMISOM Jen. Edward Katumba Wamala oo warbaahinta kula hadlay Kampala shalay ayaa sheegay in Uganda ay diyaar u tahay inay u dirto Soomaaliya 10,000 Askari oo dhaaraad ah, balse ay taasi ka horreyso in laga codsado.

Dalka Uganda ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya tirada ugu badan ee ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, kuwaasoo qaarkood ka socda dalka Burundi iyadoo aanay weli Ciidammadii ballan-qaadka ciidan sameeyay aanay weli ciidan u soo dirin Soomaaliya.

Taliye ku-xigeenka AMISOM Jen. Audance Ndiwumunsi iyo Afhayeenkooda Paddy Ankunda ayaa dhawaan sheegay in ciidamada nabad-ilaalinta ah ee ku sugan Muqadisho aanay howshooda baahin karin, balse ay u baahan yihiin Ciidammo dheeri ah.

Saraakiisha Ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho ayaa dhowr jeer oo hore dalbaday ciidamo dheeraad ah, waxaana illaa hadda ka jawaabayay dalabkaas dowalda Uganda oo keliya.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland