Dawladda Somaliya oo ka hadashay go’aanka ay Kenya dib ugu celinayso dadka Somalida ah xeryaha qaxootiga

Somalia(SLPOST)Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaalia ayaa ka hadlay Qoxootiga Soomaaliya ee ku jira xeryaha Xeryaha Qaxootiga Kenya.

ducaale Beyle

 Kaddib markii dhawaan wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ay shaaca ka qaaday in dib loo celiyo dadka qaxootiga ah ee ku nool magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya,ayaa go’anka waxaa ka soo hor jeesatay dowladda faderaalka Soomaaliya.

Hadal ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya,Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxuu ku sheegay in dowladda Kenya uu ugu baaqayo in qaxootiga ku nool magaalooyinka waawayn ay dib ugu noqdaan xerayaha qaxootiga go’anka ay Kenya ku gartay inuu yahay mid u baahan dib u eegis.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu soo hadal qaaday dhinaca dowladda faderaalka Soomaaliya uu wali hagayo heshiiskii dabayaaqadii sanadkii tagay ay gaadheen Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda Qaramada Midobay u qaabilsan arrimaha qaxootiha ee UNCHR.

…””‘Waa muhiim in dowladda Kenya ay dib ugu noqoto go’anka ay ku doonayan inay magaalooyinka laga celiyo qaxootiga,balse waxaan cadeynayna inuu wali na heshiiskii ay an wada garnay Kenya iyo hay’adda UNCHR na hagayo ,…”””ayuu yiri wasiir Beyle.

Dhinaca kale waxuu cadeeyey wasiirku inay dhankooda diyaariyeen gudigii laga sugayey sida ku jirtay qodobadii heshiiskii seddex geesoodka ahaa,asago xusay in arrintan qaxootiga 15 bisha soosocota looga hadli doono magaalada Muqdishu.

Qaramad Midoobay iyo qar ka mid ah hay’addaha u dooda xaquuqda aadana ayaa dhinacooda cambaareeyey go’anka ay dowladda Kenya ku doonayso inay dib u celiso qaxootiga magaalooyinka ku nool.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland