Dawladda Maraykanka iyo Somaliland Oo Washington Ku Yeelanaya Shir Muhiimad U Leh Qaddiyadda Somaliland

 

Washington (SLpost) Dawladda Somaliland iyo Maraykanka ayaa shir balaadhan kuwada xusaya 25 guurada ka soo wareegtay gooni isu taagga Somaliland. Kulanka oo 20-ka bisha May ee soo socota ka furmaya magaalada Washington ee caasimada Maraykanka ayaa sidoo kale kor loogu qaadayaa isku xidhka Somaliland iyo dawladda Maraykanka.

Shirkan waxaa ka soo qayb galaya dhinaca Somaliland madax ka socota xukumadda Somaliland, hoggaamiyeyaasha xisbiyada Somaliland, Guddida doorashooyinka, Ganacsatada, jaaliyadda reer Somaliland ee waqooyiga America, halka ay Maraykanka uga qayb galayaan madax dawladda ka socota, ururka mufikiriinta Washington iyo bareyaal sare oo jaamacaddaha wax ka dhiga.

Ajandaha shirkan oo wargeyska Warsugan ka soo xigtay mareegta shirkan oo ah Somalilandconference.com, waxaa lagu sheegay in shirkaasi gudaha Maraykanka kor u qaadi doono astaanta Somaliland, sidoo kalena xoojin doono isku xidhka dawladda Maraykanka iyo Somaliland. Sidoo kalena kulankan ayaa isku xidhaya bulshada Somaliland, iyadoo la kulan siinayo madaxda dawladda, madaxda asxaabta, aqoonyahanka Somaliland iyo bulshada reer Somaliland ee Maraykanka iyo Canada. Kulankan ayaa sidoo kale la rajaynayaa in laga soo saaro baaqyo, qoraallo loo qoro dawladda Maraykanka iyo in lala kulmo xubnaha Baarlamaanka Maraykanka( US Congress). Waxaa sidoo kale kulankan lagu soo bandhigi doonaa dhaqanka iyo heesaha Somaliland.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu eegi doonaa siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalka Africa, si gaar ahna dawladda Itoobiya oo geeska Africa ugu awood badani u arkaan qaddiyadda madax bannaanida Somaliland. Sidoo kalena waxaa lagu falanqayn doonaa siyaasadda khaarajiga ee Maraykanka ee ku wajahan Somaliland iyo Somalia. Waxaa lagu eedi doonaa horumarka dimuqraadiyadda ee Africa, gaar ahaana doorashada 2017 ee Somaliland.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu eegi doonaa horumarka Somaliland iyo caqabadaha jira 25-kii sanno ee Somaliland madax bannaanideeda haysatay. Waxaa sidoo kale la eegi doonaa habkii Somaliland u xallisay khilaafaadka iyo nidaamka dal ku dhisan nidaamka dhaqanka iyo dhismaha dawladnimada, iyadoo kale awoodda dhismaha hay’addaha dawliga ah ee la soo doortay. Sidoo kalena sii wadida nidaamka furfuran ee islaamiga ah ee Somaliland ayaa la eegi doonaa sida uu u sii socon lahaa, maadaama ay jiraan ururo laga walaacsan yahay oo aragixiso.

Warsugan