Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Maalintii Labaad wadda hawl-gal lagu bannaynayo Jidka Wadnaha Magaalada

Hargeysa, 1 March, 2012 (SLpost)- Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta maalintii labaad oo xidhiidh ah hawl-gal balaadhan oo waddo banayn ah ka fulisay jidka badhtamaha magaaladda Hargeysa.

Hawl-galkan waxa saaka lagu burburiyay sandaqadaha, miisaska iyo saxaaradaha, kollayadda jaadka, Buulal,Banjarlayaal iyo Waxyaabo kale oo wax u dhimaya bilicda Caasimada oo ku teedsanaa wadada u dhaxaysa Saldhiga dhexe ee Hargeysa Illaa Wasaaradda Maaliyada.

Hawlgalkan oo ay hor kacayeen duqa Caasimada Hargaysa Inj Xuseen Maxamud Jiciir iyo Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose Mawliid Waris C.laahi.

Duqa Caasimada Inj.Xuseen Maxamud Jiciir oo warbaahinta la hadlayay ayaa cadeeyay in hawlgalkan ay ku qaadeen jidka halbawlaha ah ee caasimadu uu ka dhashay go’aankan ay wada gaadheen gudidii uu Madaxweynuhu u saaray qaabaynta bilicda caasimada, waxaanu xusay in gudidu dadka ku ganacsada wadada weyn hareeraheeda ay ku wargaliyeen in mudo Sadex bilood ah oo ku eekayd 15-kii bishii hore ay xamaantooda kaga urursadaan jidkaas iyo agagaarkiisa waxa uu Maayarku intaasi ku daray in cidii ku soo laabata wadada saaka la baneeyay ay ka qaadi doonaan ganaax iyo  talaabo sharciga waafaqsan.

Maayarka Caasimadu waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka geeriyooday nin shalay ku dhintay hawl galkaasi oo uu waxaanu ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabaddii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxa kale oo uu uga rajeeyay inuu shaafiyo nin kale oo isna ku dhaawacmay hawl-galkii Arbacaddii shalay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net