“Dadku waxay filayeen oo Waddani oo dhamina u haysteen inuu is Casilayo, Ceebna waxa ugu filan Baarlamankii uu Xaraanta ku sifeeyay marka uu hadana soo hor Fadhiisto.”

“Waxaad moodaa wax aan Majaro lahayn oo Qof aan caqli Lahayn ka Fikiro, taasna waxaan ku cadaynayaa Cabdiraxmaan inuu Baritoole Iman doono Golaha isaga oo Afar waraaqood sita.”

HARGEYSA (SLpost)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa naqdiyey khudbad guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Khamiistii todobaadkii hore kaga hadlay mowqifka xisbigiisa ee doorashada iyo tallaabada ay tahay in la qaado haddii doorashooyinku wakhtigooda dib uga dhacaan.

cirroGuddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka qayb-galay Xaflad xisbigiisu Khamiistii ku qabsaday Hotel Maansoor ee Hargeysa, ayaa ku baaqay in la kala diro Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada haddii doorasho la’aan lagu gaadho 26 Bisha June ee sannadkan oo ku muddeysan wakhtiga hore loogu qorsheeyey inay qabsoomaan Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inaanay muuqan doorasho wakhtigeeda ku qabsoomi karta isla markaana ay suurta-gal tahay inay dib uga dhacdo wakhtigeeda, balse waxa uu ku adkaystay inaanay xisbi Waddani ahaan Aqoonsanayn xukuumadda madaxweyne Siilaanyo marka la gaadho wakhtiga doorashadu ku muddeysan tahay ee 26 June, isaga oo soo jeediyey in dawlad-wadaag ah oo dalka doorashado gaadhsiisa la qabto.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere oo daba-socda hadalka Guddoomiye Cirro, waxa uu sheegay inaanay jirin meel dastuurka Somaliland ay kaga taalo dawlad-wadaag ah oo la dhiso, isaga oo gef iyo meel-ka-dhac sharci ku sifeeyey hadalka Guddoomiyaha Waddani.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN HALKAN KA DAAWO