Dad Dan-yara oo ka cawday Wasiirka Duulista oo ay sheegeen iuu Xoog iyo Ciidan kaga rarayo dhul ay degganaayeen illaa 1950-kii

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa amar ku bixiyey in guryohooda xoog lagaga raro dad dan-yar ah oo deggan Koonfurta garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo uu khamiistii u dalbaday Ciidammo dheeraad ah, waxaanay dadka halkaas deggani ku cawdeen inuu Wasiirku si badheedh ah ugu tacaddiyayo.

2dDadka deggan dhinaca Koonfureed ee garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo u badan dad dan-yar ah, isla markaana muddo dheer oo ka Awoow ka Awoow ah ku dhaqnaa halkaas, ayaa ku cawday inuu Wasiirka Duulistu si badheedha oo garawshiiyo la’aan ah ugu amray inay ka guuraan dhulka ay muddada dheer ku dhaqnaayeen, isla markaana uu ciidammo u dalbaday.

Dad u badan Dumar iyo Carruur ee Wasiirku amarka ku siiyey inay guryohooda ka guuraan, ayaa Khamiistii hakiyay hawl shaqo oo ay wadeen Kooxo Farsamo-yaqaanno ah oo dhisayay dhulka ay deggan yihiin dadka Danyarta ahi, balse Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayeen Ciidamo ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah, ayaa dul tagay halka ay shaqadu ka socotay oo ay isugu soo urureen Haweenka, Carruurta iyo Dhalinyarada Deegaankaas, waxaanu amar ku siiyay shaqaalaha hawsha waday inaanay joojin shaqada ee ay sii wadaan, isla markaana waxa uu isaga oo goobtaas oo Weriyeyaal kala duwanina ku sugnaayeen ku dalbaday Ciidammo dheeraad ah oo wax yar ka dibba halkaas soo gaadhay sida ay ku warrameen Weriyeyaasha goob-joogga ahaa.

6d(1)Oday Axmed Cabdi Siciid oo ka mid ah dadka halkaas deggan, ayaa sheegay inuu Wasiirka Duulista Hawadu ka diiday Ergo iyo cabasho ay Odayaal ahaan ula tageen, isla markaana uu Wasiirka Duulistu u sheegay inuu ku dhaqaaqayo go’aanka uu qaatay oo ah inuu ka raro dadka deggan deegaankaas. Waxa uu sheegay Oday Axmed inay dhawr jeer Wasiirka cabasho ula tageen, balse uu u ugu jawaabay hadallo lid ku ah dadka degggan duleedka koonfureed ee Madaarka Hargaysa.

“Aniga oo ah dadka deggan deegaanka koonfureed ee magaalada Hargaysa waxaannu halkan ku caddaynaynaa hadduu nahay dadka deggan deegaanka inuu cago-juglayn badan nagu sameeyey Wasiirka Dduulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu halkaas ka bilaabay in ay ammaan-darro ka dhacdo deegaanka iyo Madaarka ay diyaaraduhu kasoo degaan isaga oo aan qarsan oo waliba si badheedh ah noogu caddeeyey inuu xoog nagaga qaadi doono dhulkayaga. Waxaanan leeyahay Wasiir dhimasho ayaannu ka xignaa inaad si dhib yar xoog nooga rarto deegaan aannu naallay oo degganayn illaa 1950-kii aannu ku dhalannay, oo Carruurtayadi Carruuro ku sii dhaleen, mana suuroobi doonto inaad xoog nagaga rarto.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Cabdi Siciid.

ddddSidoo kale, Cabdiqaadir (Cago-Cadde) oo ka mid ah dadka deegaankaas, oo halkaas ka hadlay, ayaa Golayaasha Qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland ka codsaday in laga soo gaadho tacaddi uu sheegay inuu kula kacay Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi. “Waxaannu ka codsanaynaa Madaxwaynaha Madaxwayne Ku-xigeenka, Golaha Wasiirrada iyo labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada iyo cid kasta oo jecel nabadda Somaliland in nala soo kala gaadho Wasiirka doonayo guriga aannu ku caqliyaysannay inuu naga raro oo uu dejiyo dad kale.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiqaadir (Cago-Cadde).

Hooyo Raaxo Qayb-diid oo ka mid ah Hooyooyinka qoysaska Wasiirka ka cawday, ayaa halkaas ka hadawaxaanay tidhi; “Waxa uu Wasiirku noogu han-jabay oo uu nagu yidhi; ‘halkan maanta anigu cidna u daba fadhiisan maayo Ciidanka halkaas ii joogaana xukunkooda ayaanad qaadanaysaan. Halkan aannu joogno Arbacadii waxa noogu yimi Ciidan Millateri ah uu nagu yidhi; Qqri caaradii ayaad kaga guuraysaan Arbacadii illaa saaka (khamiistii) oo aad nala joogtaan waa noo ciidankaas, waxaannu leenahay Wasiirka Duulista iyo Ciidanka uu na dul keena ha nalaga qabto.”

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawadayo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo soo gaadhay goobtaas ay dadku kaga cabanayeen Khamiistii, ayaa ugu jawaabay dadkii in aanu cid uga gabbanayeyn inuu dhulka xoog kaga raro, islamarkaan waxa uu Wasiirku dalbaday Ciidan, kuwaas oo goobta soo gaadhay wax yar ka dib dalabkiisa. Wasiirku waxa uu amar ku bixiyey ciddii ciidanka ka hortimaadda in ay tallaabo ka qadaan.

SOMALILANDPOST.NET