[DAAWO VIDEO] – Xukuumadda oo Baaq Adag u Jeedisay Culimada Dalka, kana warbixisay Natiijada Hawl-gallo Amni oo dalka laga sameeyey

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo uu weheliyo taliyaha ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ka warbixiyey xaaladda amniga ee dalka iyo natiijada hawl-gallo ay ciidamada ammaanku habeennadii u dambeeyey ka fuliyeen magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha oo galabta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Daakhiliga ee caasimadda Hargeysa, waxa ay tafaasil ka bixiyeen natiijada baadhitaannadaas iyada oo sheegay in gacanta lagu dhigay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo qaarkood soo galeen gudaha Somaliland.

Wasiir Duur ayaa si gaar ah ula hadlay culimada Diinta ee dalka ku sugan oo uu ugu baaqay inay ka badheedhaan halisaha ammaan ee Diinta Islaamka loogu gabbanayo, kuwaas oo iyaga laftoodu dhibbaneyaal u yihiin.

DAAWO MUUQAALKA

SOMALILANDPOST.NET