DAAWO Full Video: Gar-naqsigii Xisbiga UCID, Badheedhihii Odayaasha Muqdisho iyo Jewigii Madasha Kulanka Sooryada ah

DAAWO Full Video: Gar-naqsigii Xisbiga UCID, Badheedhihii Odayaasha Muqdisho iyo Jewigii Madasha Kulanka Sooryada ahHargeysa (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyo Salaaddiinta Somaliland, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay Madax-Dhaqameed ka socda dalka Soomaaliya oo Arbacadii soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ka soo kicitimeen Muqdisho, kuwaasoo ay xog-waraysiyo ku saabsan ujeeddada socdaalkooda iyo cidda Hargeysa ku soo marti-qaadday la yeeshay Odayaasha.

Xubno ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo ka hadlay kulan qado-sharaf ah oo uu Xisbigu shalay Huteel Ambassator ee magaalada Hargeysa ugu sameeyey Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ka socda, waxaanay Masuuliyiinta UCID sheegeen inay Odayaasha soo dhawaynayaan, isla markaana uga fadhiyaan inay ka warbixiyaan ujeeddada socdaalkooda iyo cidda dalka Somaliland ku soo casuuntay. Waxaanay Odayaasha Dhaqanka ee dhanka Soomaaliya ka yimi ku doodeen in socdaalkoodu la xidhiidho is-dhex-galka Bulshooyinka Somaliland iyo Soomaaliya iyo inay Somaliland ka bartaan dhismaha nabadda iyo hannaanka dawladnimo ee ay ku naalloonaysay dhawr iyo labaatankii sano ee ugu dambeeyey.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa