Daadad iyo Dabaylo Baqdin Badan Ku Abuuray Dalka Ingiriiska

Uk(SLpost)-Roobab xoogan iyo dabaylo ayaa laga filayaa inay ka dhacaan dalka UK. Sidoo kale daadad ka dhasha dabaylahan ayaa cabsi laga qabaa,Waxaa jira ilaa afar digniin oo ku saabsan walwalkan la muujinayo.

151206044422_scotland_van_storm_desmond_512x288_pa_nocredit

Waxaana dowlada laga dalbanayaa inay tilaabooyin degdeg ah qaado,daadadkii dhashay maalmahan ayaa keenay inay xitaa dumaan buundooyin,Booliska ayaa sheegay in dad tuugo ah ay bililiqaysteen guryihii laga qaxay ee daadadka ay galeen.

Kumanaan qof ayaa koronto la’aan ay ku dhacday. Waxaa sidoo kale la hakiyay rakaabkii diyaaradaha

Waxaa weli taagan cabsi laga qabo inay da’aan roobab kale oo xoogan