Daacish Oo la Duqeeyay Meel Ay Lacagta Ku Kaydsato

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Isbaheysigu ee Mareykanku uu hoggaamiyo, ayaa sheegay inay gantaal la heleen bar ay lacago ka aruriso kooxd Daacish magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraaq, halkaas oo kooxdu ay ku xooggan tahay.

Saraakiil ayaa sheegay in halkaasi lagu bur-buriyay qiyaastii tobannaan miliyan oo Doolar oo ay kooxdu dooneysay inay siiso maleeshiyaadkeeda.

Afhayeen u hadlay ciidanmada, oo ah Kornel ka tirsan ciidamada Mareykanka, Steve Warren, ayaa sheegay in weerarka oo dhacay Isniintii uu ahaa kii labaad ee lagu bar-tilmaameedsado goob ay lacaguhu ku keydsadaan kooxda ee magaalada Mosul.

Inkastoo Warren uu sheegay in isbaheysigu aanu garaneyn haddii lacagtaasi ay aheyd Doolar ama Diinaar, haddana, waxa uu dhanka kale tibaaxay inay og yihiin in weerarkaasi uu saameyn ku yeeshay inay Daacish siiso lacago maleeshiyaadkeed.