Culimada Somaliland oo Go’aamo ka soo saaray Ka-hortagga Coronavirus iyo Saamaynta Masaajiddada

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta go’aamo soo saaray Qaybo ka mid ah Culimada dalka iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta ee Somaliland oo maalmihii u dambeeyey kulamo ay isugu yimaaddeen ku faaqiday tallaabooyinka habboon ee loo qaadi karo Ka-hortagga caabuqa Coronavirus iyo Aragtiyaha ay ku kordhin karaan Guddiga Heer Qaran ee Xakamaynta Cudurka Covid-19 oo si xawli ah ugu fidaya dunida.

Guddiga Heer Qaran ee Ka-hortagga Sadhada Coronavirus ayaa go’aamo ay soo saareen badhtamaha bishii hore ku shaaciyey tallaabooyin lagaga hortagayo samaynta cudurka Covid-19, waxaana qodobbada guddigu soo saartay oo muddo 4 todobaad ah loo muddeeyey ka mid ah joojinta goobaha Bulshadu ku kulanto oo ay ku jiraan dugsiyada waxbarashada oo la fasaxay iyo duullimaadyada diyaaradaha ka imanaya dalalka cudurku ka jiro oo gebi ahaanba la joojiyey, marka laga reebo diyaaradda Ethiopian Airlines oo aanay go’aamadaasi wax saamayn ah ku yeelan.

Waxa kale oo Go’aamada Guddiga amar lagu faray Imaamyada masaajiddada inay soo koobaan wakhtiyada Salaadaha Faralka ah. Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Somaliland Sheekh Khaliif Cabdilaahi ayaa dhawaan sheegay inay iman doonto wakhti la xidhi doono Masaajiddada haddii Cudurku saamayn xooggan ku yeesho dalka.

Haddaba, Culimada dalka qaarkood oo maalmihii u dambeeyey kulamo dhexmareen wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, ayaa maanta soo saaray go’aamo ay ku xoojinayaan dedaallada xakamaynta Cudurka Covid-19 oo ilaa hadda in la ogyahay ama la xaqiijiyey gudaha Somaliland laga helay laba qof.

Culimadu waxa ay soo jeediyeen in gebi ahaanba la joojiyo Qaadka laga keeno dalka Ethiopia iyo tallaabooyinka kale ee la qaadi karo si loo xakameeyo cudurka, iyagoo in Masaajiddadu noqon doonaan goobaha u dambeeya go’aanka Guddigu ee ka-hortagga Cudurkani ay tahay inuu Saamaynta ku yeesho.

Warkan oo faahfaahsan iyo Go’aamada ay soo saareen Culimada dalka kaga bogo Muuqaalka Hoose