Cudurka Macaanka Oo Gaadhay Heerkii Ugu Sareeyay iy WHO Oo Ka Hadashay

Hargeysa(SLpost)-Hayada Qaramada Midoobay ee caafimaadka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka macaanka uu gaaray heerkii ugu sareeyay, iyadoo ku dhawaad kow iyo tobankii qof uu hal qof uu saameeyay adduunka.

Waxay sheegtay inay jireen afar boqol iyo labaatan iyo laba milyan oo cudurka qaba 2014-kii, taasoo ah afar jibaar inta ay ahayd 1980-kii.

Warbixinteedii cudurka macaanka ee adduunka, WHO ayaa sheegtay in cudurka uu keenay hal milyan iyo bar dhimasho 2012-kii, waddamada soo korayana uu cudurka ku badanayo.

Sida ay sheegayso xogtii ugu danbaysay, waddamada galbeedka Pacifiga ayay ka jirtay dhimashada ugu badan ee cudurka macaanka.