Cirro Oo Berbera Gaadhay Tacsina Gaadhsiiyay Qayska Taliyihii Hore Ee Berbera

Bebera(Slpost):-Wefti uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka aroornimadii hore socdaal uu ku tagay magaalada Berbera, waxa uu tacsi tiiraanyo leh gaadhsiiyey qoyskii iyo qaraabaddii uu ka baxay Alle ha u naxariistee taliyahii Booliska ee qeybta Berbera Gaashaanle Cabdirisaaq Cayseyr oo ay eheladiisii ku sugan yihiin magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil.

Socdaalkan oo u jeedkiisu daarnaa kaliya gaadhsiinta tacsi tiiraanyo leh eheladii uu ka baxay marxuumku, ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehelinaayey xoghayaha arrimaha bulshada xisbiga WADDANI Marwo Hinda Jaamac Gaani iyo sida oo kale xoghayaha golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo warbaahinta la hadlay ka dib tacsidaasi, ayaa waxa uu yidhi:“Ujeedka safarkeygu waxa uu ahaa, in aanu ka soo qeyb-galno soona gaadhsiino tacsi tiiraanyo leh eheladdii iyo qaraabaddii uu ka baxay taliyahii qeybta Booliska ee gobalka Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Caseyr oo aanu marka hore lee nahay Illaahay godka ha u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana ha ka waraabiyo, qoyskii, qaraabaddii iyo dhammaanteenbana samir iyo iimaan innaga siiyo, waxaana aanu u nimi uun in aanu ehelka iyo qarankaba aanu kala soo qeyb-galno tacsidiisii oo ay odeyaashii aanu maanta halkan kula kulanay, u jeedo kalena u maanan iman oo aan ahayn in aan tacsidan soo gaadhsiino eheladiisii, waan markii labaad oo aan tacsiyadeynaayo Marxuumka.”.