Ciidamada Ilaalada Xeebaha oo Gacanta ku dhigay Tahriibayaal Ajaanib oo damacsanaa inay ka dhoofayey Xeebaha Galbeedka Somaliland

Hargeysa, 26 March, 2012 (SLpost)- Ciidamadda Difaaca iyo ilaaladda xeebaha Somaliland ee ku sugan xeebaha galbeedka ee dalka ayaa shalay galab gacanta ku dhigay 38 ruux oo isugu jiray 6 Soomaali ah iyo 30 Itoobiyaana oo tahriibayaal ah iyo 2 nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo iyagu ahaa gadhwadeenada dadkan tahriibinayay, kuwaasi oo damacsanaa inay ka dhoofaan xeebta Buula-Cado ee gobolka Salal.

Taliyaha ciidamada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan oo u warramay warbaahinta Dawladda ayaa xaqiijiyey in ciidanka xeebuhu ay dadkan tahriibayay iyo kuwii tahriibinayayba ay gacanta ku dhigeen markhribnimadii xalay iyaga oo doonay in ay sifo sharci darro ah uga tahriibaan xeebaha Buulla Cado ee gobolka Salal.

Taliyaha ciidanka xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan waxa uu sheegay in tahriibiyaasha la qabtay iyo wakiiladii tahriibinayayba ay haddana gacanta ku hayaan isla markaana maanta loo soo qaaday dhinaca Magaalada Boorama si loogu soo gudbiyo Caasimada Hargeysa, waxa uu Taliyuhu xusay in kooxdan tahriibayaasha ah shirciga  la horgayn doono si loo mariyo ayuu yidhi ciqaabta ay mutaystaan.

Taliyuhu waxa kala oo uu sheegay in ciidamada xeebaha Somaliland ay heegan iyo feejignaan dheeraad ah ugu jiraan sugida ammaanka xeebaha Somaliland, isla markaana aanay sinaba suura gal u ahayn in sifo sharci darro ah dad looga dhoofiyo xeebaha dalka Somaliland.

Taliyuhu waxa uu digniin culus u diray cid kasta oo isku dayda in ay  qaab sharci darro ah uga tahriibaan ama ay cid uga tahriibiyaan dalka Jamhuuriyada Somaliland waxaanu intaasi ku daray in cidii arrintaasi lagu helo ay la kulmi doonaan ciqaab adag, isla markaana la horkeeni doono sharciga.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net