Ciidamada Booliska oo Gacanta ku dhigay Saddex nin oo Qof ka Afduubay magaalada Boorame

Boorame (SLpost)- Ciidamada booliska ee magaalada Boorame, ayaa shalay gacanta ku dhigay isla markaana xabsiga dhexe ee Boorame u dhaadhiciyay saddex nin oo todobaadkii hore nin ka afduubay badhtamaha magaaladas, kuwaas oo ninkii ay afduubeen ku xidhay saldhigga dhexe ee Hargaysa.

Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Boorama Maxamuud Yuusuf Cige (Raran) oo arrintan warbaahinta u xaqiijiyey, waxa uu sheegay inay sidoo kale gacanta ku dhigeen baabuurkii ay raggani ku afduubeen ninkaas.

Taliye Raran waxa uu ka gaabsaday inuu sheego magacyada raggan afduubka sameeyay ee ay qabteen, haseyeeshee ay si dhakhso ah cadaaladda u hor keeni doonaan isla markaana ay codsadeen in ninkii la afduubay ee oo lagu hayo Hargaysa lagu soo celiyo Boorama.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in qabashada raggan ay gacan ballaadhan ka gaysten ciidamada sirdoonka ee Gobolka Awdal kuwaasi oo soo gudbiyay xogaha ku saabsan raggaasi, isla markaana Hargaysa lagu xidhay mid ka mid ah raggaasi oo ku sugnaa Hargaysa.

Dhacdadan ayaa waxa ay dhacday badhtamihii todobaadkii hore ka dib markii ay saddexda  baastoolado ku afduubeen nin rayid ah oo ay ku andacoodeen inay lacag ku lahaayeen, iyaga oo watay baabuur aan lambar lahayn isla markaana ay ku xidheen Hargaysa.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net