Chelsea Oo Lix Ciyaareed gudahood Markii 4aad Ku Guuleysatay Koobka ugu Faca Weyn Ingiriiska ee ‘FA Cup’

[S]Lpost Sports – Didier Drogba oo noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Afar Final oo koobka FA ah u dhaliya Kooxdiisa Chelsea oo caawa guul ka gaadhay kulankii tartankan ugu dambeeyey oo ka qabsoomay garoonka Wembley ee magaalada London.

Waxay  Chelsea ku guuleysatay koobka FA Cup markii todobaad ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen Liverpool. Finalkaan oo ay garoonka Wembley soo xaadireen 89 kun taageerayaal ah ayaa ku bilowday jawi degan.

Chelsea ayaa hoggaanka qabatay daqiiqadii 11aad ee ciyaarta ka dib markii Ramires uu gool ay qalad weyn ku lahaayeen difaaca liverpool ee Jose Enrique iyo goolhaye Pepe Reina. Waxaana goolka Ramires uu ahaa mid la mid ah kii uu ka dhaliyey Kooxda Barcelona kulankoodii ugu dambeeyey ee Champions League, waxaanay qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay gool ay Chelsea guusha ku hoggaaminaysay.

Qeybtii labaad ayaa ku bilaabatay si ka dardar badan qeybtii hore, waxaana 7  daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad uu Frank Lampard kubbad khatar ah u u dhigay Didier Drogba kaasoo isguna dabamariyay goolhaye Pepe Reina.

Goolkii labaad ee Chelsea ka dib, waxa uu tababaraha Liverpool wax ka beddelay qaab ciyaareedka kooxdiisa isagoo soo geliyay Andy Carroll islamarkaana bedelay Jay Spearing, waxaana ay u beddesheen qaab ciyaareedka 4-4-2.

Andy Carroll oo ahaa ciyaaryahankii beddelka ku soo galay ayaa daqiiqadii 64aad gool u soo celiyay kooxda Liverpool islamarkaana dib u soo nooleeyay ciyaarta, isagoo si aad ah uga dhex muuqday.

Andy Carroll ayaa u maleeyay inuu kooxdiisa u barbareeyay daqiiqadii 82aad laakiin madaxii uu galay waxaa badbaadiyay goolhaye Cech inkastoo Liverpool ay ku andacoodeen in kubadda ay gudaha u gashay goolka.

Inkastoo Liverpool ay cadaadis saareen Chelsea dhamaadkii ciyaarta, haddana waa ay haleeli waayeen goolkii barbaraha oo sababi lahayd in wakhti dheeraad ah lagu daro ciyaarta.

Ugu dambayntii, Chelsea waxa ay xaqiijisatay koobkeedii ugu horeeyay xilli ciyaareedka, iyagoo kor u qaaday FA Cup markii 4aad lix sanno gudahood.

Somalilandpost.net

sports@somalilandpost.net