“Cali Khaliif kale oo Hargeysa edebdaro la wareega loomabaahana, nin eryada ayaa loo baahan yahay..” Xildhibaan Indho-indho

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho ayaa Xaglatoosiye iyo ciidanka qaranka ku amaanay inay Cali Khaliif Galaydh awooda saareen inay ka saaraan deegaanada Boohoodle.

sida oo kale waxa uu xildhibaan Indho-indho uu dhaliilo u soo jeediyay siyaasiyiinta deegaankaas ka soo jeeda ee Xaglatoosiye dhaliisha oo uu guddoomiya ku xigeenka golaha wakiilada Baashe Faarax ka mid yahay, isaga oo sheegay in aan loo baahnayan in Cali Khaliif kale uu Hargeysa joogo.

waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Magaaladda Buuhoole ayay in carqalad ah ka jirtay ciidamadii qarankuna meel Baligacad la yidhaahdo ayay eryanayaan Cali Khaliif, ciidanka qaranka iyo wasiirka caafimaadkana waanu ku amaanaynaa, kuwa meelahan jooga ee ka dabaqalinaayana waxaanu leenahay mid kale oo kii aanu eryanaynay lamid ah oo meelahan fadhiya looma baahna.”

xildhibaanka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Nuugaal komishankii waa tagay oo waxa uu dhaafay Laasacaanood oo waxa uu ka warkeenay Taleex iyo Xudun, waxa uu tagay Laasqoray, Dhahar iyo Badhan, wadankan inay doorasho ka dhacdo oo waxii dibjir ah ee fidna wada meelahaasna ka yimi in laga eryo nin walibana deegaanka uu joogo uu ku filnaado ayaa loo baayan yahay ee in lays xasaradeeyo looma baahna. ninka saaka Xaglatoosiye xagxaganayaana waa nin Somaliland diidan. Cali Khaliif kale oo halkan edebdaro la wareega looma baahan, nin eryada ayaa loo baahan yahay ee ninkii eryanaayay mid halkan ka eryada looma baahna, siyaasiyiina maaha ee waa saaqidiin.”