Boko Xaraam Oo 29 Qof Ku Dishay Nayjeeriya

Borno, (SLpost)- Magaalada Maiduguri ee waqooyiga dalka Nigeria ayaa qarax lala beegsaday masaajid halkaas ku yaalla waxa ku dhintay 29 qof.Boko Haram

Taliyaha booliska gobolka Borno ee waqooyi bari Nigeria ayaa sheegay in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay masaajid ku yaalla magaalo madaxda gobolkaasi ee Maiduguri.

Qaraxan ayaa waxa uu galaaftay nolosha ugu yaraan 29 qof oo ku tukanayay bannaanka hore ee masaajidka sida ay sheegeen dad ka badbaaday qaraxa ayaa tirada ku dhintay qaraxani waxa ay u badnaayeen ganacsato ku lahaa gacansiyo suuq cidhiidhi ah oo ku yaalla magaalada ugu weyn waqooyi bari Nigeria.

Mid ka mid ah ganacsatadii ku tukanaysay masaajidka ayaa warbaahinta u sheegay in qofka isqarxiyay uu riixiyay kaaryoone, isagoo iska soo dhigay ganacsade kuna soo biiray salaada.

Milateriga ayaa hore uga ka hortegay weerar ay Boko Xaraam adeegsatay baasuukeyaal oo ay ku qaaday guryo ay dad deganaayeen, weerarkaasoo qaatay saacado ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 13 qof.

Weeraradan ayaa yimi saacado ka dib markii la dhaariyay madaxweynaha cusub ee dalkaasi Muxamaduu Buhari.

Madaxweyne Buhari ayaa ballan qaaday inuu tallaabo ka qaadi doono kooxda Boko Xaraam.

Isagoo sheegay in dawladdiisu ay wax kasta oo karaankeeda ah samayn doonto si ay u soo badbaadiso in ka badan 200 oo gabadho iskuuley ah oo sanadkii hore ay kooxdaasi ka afduubtay magaalada Chibok.

Boko Xaraam ayaa dishay kumanaan qof tan iyo markii ay bilawday kacdoonka ay ka waddo waqooyiga dalka Nigeria.

Somalilandpost.net