Berbera: Faahfaahinta kulan dhexmaray Wasiirka Maaliyadda iyo Masuuliyiinta Shirkadda DP World

Berbera (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, Yuusuf Maxamed Cabdi oo socdaal ku jooga magaalada Berbera, ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa maamulka Dekedda magaalada Berbera.

Kulanka oo ku qabsoomay xafiiska shirkadda DP World ee magaalada Berbera, waxa lagaga wada-hadlay  waxyaabaha u qabsoomay shirkadda muddadii ay gacanta ku haysay maamulka dekedda iyo xaddiga dakhliga dowladda uga soo xerooda cashuuraha Dekedda.

Kulankaas kaddib, waxa arrimaha laga wada-hadlay iyo natiijada ka soo baxay ka hadlay wasiika Maaliyadda Yuusuf Maxamed Xasan.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA WARKAN