Beesha Caalamka oo niyad-jab ka muujiyey Hannaanka loo Jideeyey Doorashooyinka Soomaaliya

 

Nairobi (SLpost)- Beesha caalamka ee taageerta hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya, ayaa niyad-jab ka muujisay heshiiska laga gaadhay hannaanka ay u qabsoomayso doorashada baarlamaanka loo muddeeyey inay dalkaas ka qabsoonto Sannadka 2021-ka.

Beesha Caalamka ayaa hore u dhiirri-gelisay in doorashada baarlamaanka Soomaaliya ay si toos ah shacabku u soo doortaan, haseyeeshee heshiis madaxda dalkaas ku dhexmaray Muqdisho todobaadkii hore ayaa lagu qorsheeyey in xubnaha baarlamaanka loo soo doorto qaabkii hore ee Xulashada iyo Saami-qaybsiga ku dhisnaa. 

War-saxaafadeed ay maanta soo saareen wakiillada beesha Caalamka, ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin in hanaanka la shaaciyay inay doorashada dalkaasi u qabsoomayso ka hooseyso yoolkii loo dejiyey ee ahaa cod-bixin toos ah oo shacabku ku doortaan xubnaha baarlamaanka ee doorashada loo muddeeyey inay sannadka dambe qabsoonto.

In kasta oo beesha caalamka ay soo dhaweeyeen heshiiskii ay dhowaan wada-saxeexeen Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo maamul-goboleedyada kale ee Soomaaliya, kuna tilmaantay mid dhabbada u xaadhaya geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, haddana waxa jira saluug baahsan oo ay ka muujiyeen go’aankaas oo beesha caalamku ku tilmaantay mid aan u qalmin heerkii looga baahnaa.

 “Saaxiibada beesha caalamku waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wada-hadal ay Soomaalidu dhexdooda ka gaadheen. Waxaanu ognahay in qaar ka mid ah xogaha geedi-socodka lagu heshiiyay aan weli la caddeynin oo ay dhici karto in cid kale lagala tashan karo”, sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka beesha Caalamka.

Beesha Caalamku waxa ay muujisay inaanay raalli ka ahayn shaacinta heshiiska oo ay sheegeen inuu baal-marsanaa yoolkii loo qoondeeyey doorashada inay ku qabsoonto cod-bixin toos ah, waxayse dhinacyada heshiiska gaadhay ugu baaqeen inay doorashadu noqoto mid u qabsoonta qaab daah-furan oo xor ah.

 “Saaxiibbada Soomaaliya iyagoo ka xun inay arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii la qoondeeyey, haddana waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ay noqoto mid xor ah, xalaal ah oo daah-furan oo loo dhan yahay.” Sidaas ayaa lagu yidhi Qoraalka, waxaana intaas lagu daray,  “Saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaadho dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda oo ay ku jiraan guddiga adeegga Garsoorka iyo guddiga xuquuqul Insaanka”.

Beesha Caalamku waxa ay madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ugu baaqday inay sii wadaan kulamadooda, iyagoo yeelanaya wada-hadal iyo isu-tanaasul dhexdooda ah.

Beesha Caalamka sida wada-jirka ah u soo saaray war-murtiyeedka ayaa kala ah UK, Belgium, Denmark, Ethiopia, EU, Finland, France, Germany, IGAD, Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Sudan, Turkey, US iyo UN-ka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net