Bannaan-bax laga soo horjeedo Sawir-gacmeedyo lagu Aflagaadeeyey Nebi Muxamed (NNKHA) oo Maanta ka dhacay Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Bannaan-bax ballaadhan oo lagaga soo horjeedo Aflagaaddo Wargeys Xaruntiisu tahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska u geystay Nebi Muxamed (NNKHA), ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa, iyada oo dadweynaha bannaan-baxan sameeyey oo dhalinyaro u badani ay siteen boodhadh lagu xardhay farriimo ay kaga dareen-celiyeen Aflagaaddada lagu kacay Diinta Islaamka.

Wargeys lagu magacaabo Charlie Hepo oo xaruntiisu tahay magaalada Paris, ayaa todobaadkii hore daabacay sawir-gacmeedyo meel-ka-dhac ku ah Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (NNKHA), maalmo kaddib markii koox hubaysani weerar ay ku qaadeen xarunta Wargeyska ay ku dileen 12 Qof oo u badan suxufyiin uu ku jiro Tifafrihii wargeyska.

wargesaIn kasta oo dadka bannaan-baxan sameeyey ay u badnaayeen Dhalinyaro, ma jirin wax saamayn oo uu mudaharaadku ku yeeshay magaalada, waxaana isla markiiba dhalinyarada kala dareeriyey Ciidamada Ammaanka oo calamadii iyo astaamihii ay siteen ka qaaday dhalinyarada.

Magaalada Hargeysa, ayaa noqonaysa magaaladii Labaad ee Dhulka Soomaalidu degto sidan oo kale looga dhigo mudaharaadyo lagaga soo horjeedo Aflagaaddada Wargeyska Charlie Hepu kula kacay Nebi Muxamed (NNKHA), iyada oo maalmihii u dambaysay dunida Islaamka laga sameeyey mudaharaadyo noocan oo kale ah.

HALKAN KA DAAWO WARBIXINTAN