Arday Tartan Qur’aan ka Qayb-gashay oo Abaalmarin Qaalli ah Guddoonsiiyey Madaxweyne Siilaanyo (SAWIRRO)

Madaxweynaha oo Gaadhi NOHA ah Guddoonsiiyey Ardaygii Kaalinta 1aad ku guulaystay Tartanka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xaflad qiimo badan oo isugu jirta Abaalmarin, Afur iyo Casho sharef u sameeyey Ardaydii ku tartamaysay Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah iyo Culimadii is xilqaantay ee tartankaasi dhexdhexaadinaysay iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo hormuud u ahayd xafladan qiimaha badan.

Madaxweynaha ayaa ugu horaynba waxa uu gaadhi noociisu yahay TOYOTA NOAH gudoonsiiyey wiilkii hogaaminaayey Ardaydaasi ee kaalinta koowaad ku guulaystay iyo kaalinta labaad, saddexaad iyo Afraad, oo sidan u kala horeeya

  1.  Cabdilaahi Maxamed Cali (Gobolka Maroodi-jeex) – kaalinta koowaad
  2.  Shucayb Maxamed Cabdilaahi (Gobolka Sool) – Kaalinta labaad
  3.  Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Gobolka Togdheer) – Kaalinta saddexaad
  4.  Jamaal Cabdinaasir Xuseen (G/Maroodi-jeex) Kaalinta afraad.

IMG_0233Halka Madaxweynaha laftiisa la gudoonsiiyey Kitaabka Qur’aanka kariimka ah oo ay madaxweynaha ku sharfeen Culimada iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta madaama oo madaxweynuhu uu isagu lahaa fikirkan qiimaha badan farayna Wasaarada Diinta iyo Awqaafta in sanad walba la qabto kartankan qaaliga ku ah Somaliland, isaguna uu hormood ka noqdo marwalba dhiirigeliyana Ardayda qiimaha badan ee Gobolada Dalka Somaliland ku kala dhaqan balse ku kulma sanad walba kulankan muhiimka ah iyada oo sanadkii horena uu ku guulaystay tartanka kii ka horeeyey Wiilka socday Gobolka Sool, halka uu Sanadkana  ku guulaystay wiil ka Socda Gobolka Maroodi-jeex kaalinta labaadna uu ka galay wiil aad u da’a yar oo ka socday Gobolka Sool.