Aqoonyahan uu Madaxweynaha Jabuuti Digreeto kaga Qaaday Muwaadinimadiisa oo si Qasab ah loogu soo Mastaafuriyey Somaliland

Jabuuti (SLpost)- Xukuumada Jabuuti ayaa la sheegay inay si  sharci-daro ah ugu soo mustaafurisay Somaliland aqoonyahan haysta dhalasho dalkaas, ka hor intaan amar ka soo baxay Madaxweynaha Jabuuti looga Xayuubin Xuquuqdii Muwaadinimo ee uu dalkaas ku lahaa

MohamedDaherRobleh_1Maxamed Daahir Rooble, ayaa 15kii bishan ciidamada booliiska Jabuuti soo gaadhsiiyeen magaalada ku taal xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ee Lowyacada, ka dib markii khasab lagaga soo mustaafuriyey dalka, sida lagu sheegay warbixin shalay uu soo saaray urur u dooda xuquuqda Bani’aadamka oo lagu magacaabo Alkarama, kaas oo fadhigiisu yahay dalka Switzerland.

Musaafurinta ninkan ee Somaliland ayaa lagu sheegay inay ka dambaysay Xeer madaxweynaha Jabuuti ku soo saaray 2-da bishii September 2013-kii in laga qaado dhalashadiisa dalka Jabuuti, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ka hor-yimi danaha iyo siyaasadda dalka Jabuuti, isla markaana uu caadeystayna lidigeeda, sida ku cad warqad Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku saxeexan yahay oo ku saabsan ka-qaadista muwaadinimadiisii, taas oo soo baxday 2-da bishii September, 2013.

documentMaxamed Daahir ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay bishii July sannadkii hore ka dib markii lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay Xisbiyada mucaaradka ee dalka Jabuuti, haseyeeshee waxa uu Maxamed u sheegay Al-Karama inaanu xubin ka ahayn xisbiyada mucaaradka, balse uu taageero.

Ururrada Xuquuqal Insaanka Jabuuti, ayaa ugu baaqay u-doodayaasha Xuquuqda fekerka Qofka ee Caalamka iyo Qaramada Midoobay inay soo dhex-galaan kiiska Maxamed Daahir iyo sidii loogu ogolaan lahaa ku soo laabshada dalkiisa iyo inuu dib ula midoobo qoyskiisa oo deggen dalka Jabuuti.

Maxamed Daahir, ayaa la sheegay inuu deegaan ahaan ka soo jeedo degmada Saylac ee gobolka Salal, isla markaana qoyskiisa iyo qaraabadoodu deggen deggen tahay dalka Jabuuti.

Dhinaca kale, masuuliyiinta laanta Socdaalka ee Somaliland oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhay si aanu wax ugaweydiinno warka ku saabsan mastaafurinta ninkan, ayaan noo suurto-galin, balse waxa jiritaankiisa noo xaqiijiyey isla markaana aanu la xidhiidhney dhowr qof oo ku sugan magaalada Lawya-caddo ee xuduudka dalka Jabuuti, kuwaas oo noo sheegay inay ciidamada booliska ee dalka Jabuuti ay Sabtidii todobaadkii hore si khasab ah ku keeneen magaalo-xuduudeedda Lawya-caddo, haseyeeshee dadka aanu la xidhiidhnay noomay xaqiijin in lagu wareejiyey Ciidamada Laanta Socdaalka ee magaaladaas iyo in kale.

XIGASHO: Wargeyska Himilo