“Albaabada nagu joojiya ama dariiqyada naga xidha, annagu shacab-baanu metelnaa, shacabkaanu horgalaynaa, ka daali mayno, kana….”

HARGEYSA (SLpost)- Hoggaanka sare ee Xisbiga UCID, ayaa sheegay in laga horjoogsaday Madaarka Hargeysa oo ay shalay ku soo dhawaynayeen Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe oo shalay dalka ku soo laabtay, kadib muddo laba todobaad ah oo uu dalka dibaddiisa ku maqnaa.

Murashaxa madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Cali Mataan oo ka mid ahaa masuuliyiinta xisbigaas ee soo-dhawaynta Guddoomiye Faysal u tagay madaarka Hargeysa oo laga horjoogsaday inay gudaha u galaan, ayaa nasiib-darro sharaf-dhac ku ah milgaha dawladnimada ku sifeeyey in masuuliyiinta xisbiyada Mucaaradka ah laga horjoogsado Madaarka iyada oo aan la siinayn milgaha ay qaranimada ku leeyihiin.

HALKAN KA DAAWO