Ajandaha Shirka Madaxda Afrika Uga Socda Johannesburg Oo Ka Hortagga Al-shabaab ku jiro

Johannesburg, (SLpost)- Madaxda Afrika ayaa maanta shirkii Midowga Afrika ku yeelanayaan magaalada Johannesburg ee waddanka Koonfur Afrika.

Hal-kudhegga rasmiga ah ee shirkan oo ah kii 25-aad ee Midowga Afrika ayaa ah “Sanadka Xoojinta iyo Horumarinta Haweenka”.

Hase yeeshee arrimaha la filayo inay horkacaan ajandaha ayaa waxa ka mid ah weerarrada ajaanib nacaybka ah ee dhawaan ka dhacay Koonfur Afrika, jahwareerka ka taagan Burundi, dhibaatada ka jirta Koonfur Sudan iyo arrimo kale.

AfrikaMidowga Afrika ayaa inta badan waxa lagu dhaliilaa inuu ka fogaanayo wax ka qabashada xaaladaha huraya ee saamaynta ku leh qaaradda, sannadkanna shir-madaxeedka lama filayo inuu ka duwanaado kuwii ka horreeyay.

Dadka wax indha-indheeya waxay sheegayaan in dooddo la qaban doono, laakiin natiijadu ay noqon doonto meel madhan.

Ajandaha buuxa waxa la filayaa inuu diiradda saaro Burundi, qalalaasaha Koonfur Sudan, mashaakilka Nigeria ka haysata dagaalka ay kula jirto Boko Xaraam iyo khatarta ay Al Shabaab ku hayso Afrikada Bari.

Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir, oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada u doonayso eedeymo ku saabsan dembiyo dagaal ayaa sidoo kale jooga magaalada Johannesburg si uu shirka uga qayb galo.

Amnesty International ayaa ugu baaqday xukuumadda Koofur Afrika inay xidho oo gacanta u galiso maxkamadda ICC.

Koonfur Afrika waxay ogolaatay inay shirka martigaliso daqiiqaddii ugu dambaysay, khataro argagixiso oo ka jira Chad dartood.

Laakiin qalalaasihii u dambeeyey ee ajinabi nacaybka ah ee magaalooyinka Johannesburg iyo Durban ayaa weji gabax ku noqday dalka shirkan marti-galinaya.

Zimbabwe, Mozambique, iyo Nigeria ayaa ku dhaliilay xukuumadda madaxweyne Jacob Zuma weerarrada.

Somalilandpost.net