AFRICA: Wax Ka Baro 13-ka Wasiir Caafimaad ee Haweenka ah ee Hoggaaminaya La-Dagaalanka Cudurka Covid-19

 

Guud ahaan Caalamka oo dhan, Caabuqa Corovirus muu noqon oo kaliya masiibo galaafatay nolosha dad badan oo la jeclaa, balse waxa uu iftiimiyey heerka kartiyeed ee ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee majaraha u haya dowladaha caalamka.

Qaaradda Afrika, kiisaska la xaqiijiyey kama duwana kuwa dunida kale maaddaama ay dawladuhu qaadayaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu joojinayo faafitaanka cudurka Covid-19 si la mid ah sida ay uga hawl-galaan kuwa dhiggooda ah ee dalalka horumaray sida Yurub iyo Aasiya.

Iyada oo doorka muuqda ee wasiirrada caafimadku ay ka ciyaarayaan la dagaallanka masiibadan dunida ku habsatay, waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa  warbixin laga diyaariyey Wasiirrada haweenka ah ee hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19 ee Qaaradda Afrika, kuwaas oo sida warbixintu xustay mudan in lagu ammaano shaqooyinka ay gacanta ku hayaan oo ay inta badan la kulmayaan caqabado dhowr ah sababta oo ah tayo-xumada tas-hiilaadka iyo agabka ay maamulaan iyo sida ay noloshooda halis ugu halis geliyaan dagaalka ka dhanka ah saf-markan.

Warbixintan oo uu diyaariyey Suxufi lagu magacaabo Prince Akpah oo ka hawl-gala warbaahin lagu magacaabo Avance Media isla markaana uu soo Tarjumay Tifaftiraha warbaahinta Somalilandpost.net, Khadar Id Kaariye, waxa lagu sheegay in ka sokow kartidooda, ay haweenkani cadeeyeen inay u istaagaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda maadaama doorkooda la-tacaalista masiibadani ay dhaafsiisan tahay inay talo siiyaan madaxweynayaasha laakiin ay noqonayso fursad ay kaga qayb-qaataana dedaallada lagu maareynayo dhibaatadan adduunku ka siman yahay, maadaama sida warbixintu xustay ay taageero nooc kasta ah siiyaan dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha caafimaad iyo hawl-wadeennaa kale ee caafimaadka ee dalalkooda iyagoo sidoo kale iskaashi la sameynaya dhiggooda dalalka kale si loo hubiyo in bukaannada la daweeyo, muwaadiniintana si wanaagsan loogu wargaliyo xaaladda dalalkooda.

Sida warbixinta ku xusan dhammaan dalalka ku yaalla Qaaradda, waxa dalalka Afrika laga soo helay 13 Wasiir Caafimaad oo Haween ah oo masuul ka ah wasaaradaha Caafimaadka, iyadoo 9 ka mid ah 13-ka wasiir yihiin dhakhaatiir Caafimaad, halka 4 kale loogu magacaabay kartida ay leeyihin iyo doorkooda dhinaca ka-dhex-muuqashaa Bulshada.

Wadamada warbixintu xustay inay mudan yihiin in lagu amaano magacaabista xilalka noocan ah ee haweenka, ayaa kala ah Angola, Burkina Faso, Jamhuuriyadda Congo, Masar, Eritrea, Ethiopia, Guinea Bissau, Liberia, Mozambique, Somalia, Tanzania iyo Uganda.

Halkan waxaanu ku soo gudbinaynaa liiska 13 Wasiir Caafimaad oo haween oo xilligan hoggaaminaya dagaalka dalalka qaaradda Afrika kula jiraan fiditaanka cudurka Covid-19.

  1. Amina Nurhusein, Wasiirka Caafimaad Dalka Eritrea

Waxa Xilka Wasiirka Caafimaadka Eritrea loo magacaabay Sannadkii 2009-ki, iyadoo hore u soo qabatay xilal uu ka mid yahay Wasiirka Dalxiiska, waxaanay xubin firfircoon ka tahay Xisbiga PFDJ ee haya talada dalka Eritrea.

 

  1. Dr Fawziya Abikar, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya

Dr Fawziya Abikar oo ah wasiirka caafimaadka ee dalkaasi xilligan, waa shaqsi ku cusub saaxadda siyaasadda, balse takhasuskeedu waa Caafimaadka, waana mid ka mid ah dalal kooban oo booskaas u magacaabay qofkii ku habboonaa, sida warbixinta lagu sheegay.

 

  1. Dr Hala Zayed, Wasiirka Caafimaadka iyo Dadweynaha ee Masar

Dr. Zayed ka hor intii aan xilkan loo magacaabin, waxa ay hore u soo noqotay madaxweynaha Akeedamiyadda Cilmiga Caafimaadka,  Guddoomiyaha Guddiga Sare ee la-dagaalanka Musuqa ee Wasaaradda Caafimaadka iyo sidoo kale La-taliyaha Wasiirka Caafimaadka. Waxa kale oo ay soo qabatay boosas kale oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Waaxda Cusbitaallada Wasaaradda.

Dr Zayed waxa ay shahaadda Masters ku haysataa Dhalmada iyo Cudurrada Dumarka. Waxa ay madax ka noqotay oo hoggaamisay mashaariic Caafimaad oo dalkeeda laga fuliyey kuwaas oo ay maalgeliyeen Bangiga Adduunka, WHO iyo hay’ado badan oo caalami ah.

  1. Dr. Jacqueline Lydia Mikolo, Wasiirka Caafimaadka iyo Dadweynaha ee dalka Jamhuuriyadda Congo

Jacqueline Lydia Mikolo waxa ay xilkan haysay ilaa sannadkii 2016, iyadoo xilal kala duwan ka soo qabatay wasaaradaas. Shirweynihii 69aad ee Caafimaadka Adduunka oo bishii May ee 2016-kii lagu qabtay magaalada Geneva, waxa ay ku soo bandhigtay Hiigsiga Barnaamij Caafimaad oo ay siyaasaddiisa dejisay kaas oo shacabka dalkeeda u sahlaya inay helaan adeeg caafimaad oo qiimo jaban oo tayo leh, kaas oo loo muddeeyey inta u dhaxaysa 2016 ilaa 2021-ka.

  1. Dr. Léonie Claudine Sorgho/Lougue, Wasiirka Caafimaadka ee Burkina Faso

Dr. Léonie Claudine Sorgho waa dhakhtar ku takhasusay Shucaaca, waana Macalin jaamacadeed oo dhiga Cilmiga Shucaaca. Waxa ay soo noqotay Agaasimaha Guud ee Waaxda Cilmi-baadhista iyo Tabobarka Cilmiga Caafimaadka ee Jaamacadda Ouaga I Joseph KI-ZERBO ee dalka Burkina Faso intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2019-kii.

  1. Dr. Lia Tadesse Gebremedhin, Wasiirka Caafimaadka Ethiopia
Wasiirka Caafimaadka Ethiopia

Dr Lia Tadesse Gebremedhin oo xilligan ah wasiirka Caafimaadka dalka Ethiopia, waxa ay hore u soo noqotay Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Tababarka Caafimaadka Taranka ee Caalamiga ah ee Jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka. Waxa kale oo ay hore u soo noqotay Agaasimaha Barnaamijka Fayo-qabta Hooyada iyo Dhallaanka ee dalka Ethiopia.

Waxa ay shabadada Masters ku haysataa Cilmiga Dhalmada iyo Cudurrada Haweenka oo ay ka qaadatay Jaamacadda Addis Ababa.

  1. Lizzie NKOSI, Wasiirka Caafimaadka ee dalka Eswatini (Swaziland)

Lizzie Nkosi oo xilligan ah Wasiirka Caafimaadka ee dalka Koonfurta Qaaradda Afrika ku yaalla ee Swaziland, waa xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalkaas.

  1. Maria Inácia Có Sanhá, Wasiirka Caafimaadka Guud, Arrimaha Qoyska iyo Bulshada ee dalka Guinea Bissau

Maria Inácia Có Sanhá intii aanay xilka ka qaban, waxa ay hore u soo noqotay Agaasimaha Guud ee Machadka Wada-jirka Bulshada iyo Qoyska, Madaxa Waaxda Macluumaadka iyo Hanuuninta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka ee Wasaaradda Caafimaadka. Ka hor intii aanay xilka Wasiirnimo u dallicin, waxa ay tiraba laba jeer oo isku xiga soo qabtay xilka Xoghayaha Maamulka Cusbitaallada ee wasaaradda Caafimaadka.

  1. Dr. Nazira Abdula, Wasiirka Caafimaadka ee dalka Mozambique

Nazira Abdula oo takhasuskeedu yahay Dhakhtarka Carruurta, waxa ay ka qalin-jabisay Maputo Central Hospital oo ay xirfadeeda caafimaad oo marxalado kala duwan soo martay ku soo qaatay ka hor intii aanay sannadkii 2006-kii ka qalin-jabin jaamacadda Flinders ee dalka Australia, iyadoo cilmiga Nafaqaynta iyo aqoonta Cuntada ku haysata shahaahadda Masters.

Intii u dhaxaysay 1993-1997 waxa ay dhakhtarka Cudurrada Guud kaga soo shaqaysay Cusbitaal Guud ee Mavalane ee dalkeeda. Sannadkii 1997 oo dalkeeda uu ka dillaacay Cudurka Daacuunka, waxa ay madax u ahayd dhakhaatiir la tacaalaysay bukaanka cudurkani soo ritay ee cusbitaalka Maputo Central Hospital. Ka hor intii aan loo dhiibin xilka wasiirka Caafimaadka sannadkii 2015, waxa ay soo qabatay xilka wasiir ku-xigeenka Caafimaadka intii u dhaxaysay sannadihii 2010-kii ilaa 2014-kii.

  1. Dr. Ruth Jane Aceng, Wasiirka Caafimaadka ee dalka Uganda

Jane Ruth Aceng waa dhakhtar ku takhasusay Cudurrada Carruurta. Ka hor intii aan xilka wasiirka caafimaadka loo dhiibin, waxa ay soo noqotay Agaasimaha Guud ee Adeegyada Caafimaad ee Wasaaradda Caafimaadka Uganda.

Waxa ay shaqadeeda hawlaha caafimaadku bilaabmay xilli ay sarkaal arrimaha caafimaadka ah ka noqotay wasaaradda caafimaadka. Ka hor intii aan loo magacaabin agaasimaah Guud ee waaxda Adeegyada Caafimaadka, waxa ay Agaasime Guud ka soo noqotay Cusbitaalka gobolka Lira ee dalka Uganda.

  1. Dr Silvia Lutucuta, Wasiirka Caafimaadka ee Angola

Sílvia Paula Valentim Lutucuta, waa diktoor ku takhasusay daawooyinka, Dhakhtarka Wadnaha iyo Macalin Jaamacadeed, gaar ahaan waaxda Daraasaadka Cilmiga ee Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda.

Sannadkii 1990-kii waxa ay noqotay Ardaygii ugu da’da yaraa ee ka qalin-jabiya Jaamacadda Universidade Agostinho Neto-Huambo kuliyaddeeda Caafimaadka oo ay ka qalin-jabisay iyadoo 21-jir kaddib markii ay muddo muddo lix sanno ku dhammaysatay Waxbarashada heerka 1aad ee jaamacadda oo Lix sanno ku qaadatay. Iyadoo markii dambe heshay waxbarasho dibadeed iyadoo ku soo takhasustay Cilmiga daawada iyo Qaliinka Wadnaha (Cardiology).

  1. Ummy Ally Mwalimu, Wasiirka Caafimaadka, Horumarinta Bulshada, Jinsiga, Dadka waaweyn iyo Carruurta ee dalka Tanzania

Ummy Ally Mwalimu waxa ay xilkan haysay ilaa sannadkii 2015-kii oo loo magacaabay, waxaanay laba jeer soo noqotay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, iyadoo loo magacaabay kursi kooto loogu xidhay dumarka.

Waxa ay waxbarashadeeda dugsiyada H/Dhexe dhamaysatay sannadki 1993-kii, iyadoo sannadkii 1998-kii shahaadada heerka 1aad Aqoonta Sharciga kaga qaadatay Jaamacadda Dar es Salaam. Sannadkii 2001-dii ayay shahaadada heerka labaad Sharciga kaga qaadatay jaamacadda Pretoria ee dalka Koonfur Afrika. Intii u dhaxaysay sannadihii 2000 ilaa 2010-dii waxa ay ka shaqaysay Ururro dowli ah iyo kuwo maxalli ah iyadoo kula shaqaysay dhinacyada Sharciga, cilmi-baadhista iyo dawlad-wanaagga.

  1. Dr. Wilhemina Jallah, Wasiirka Caafimaadka Liberia.

In kasta oo ay immika tahay wasiirka Caafimaadka, haddana waxa ay xilka ugu sarreeya ka soo qabatay Waaxda Hooyada Uurka leh iyo Cudurrada Haweenka ee John F. Kennedy Medical Center oo ku taala Caasimadda dalka Liberia ee Monrovia.

Waxa lagu xusuustaa inay taakulooyin caafimaad u fidisay gabdho da’da yar oo falal kufsi ah loo geystay xilligii uu dagaalka sokeeye ka socday dalkaas, kuwaas oo qaarkood u baahnaayeen qalliinno lagaga daweeyey xannuunka Isku-furanka ee inta badan ku dhaca hooyooyinka da’da yar.

 

Somalilandpost.net
Contact@somalilandpost.net