Abwaan Suugaantiisa ku dhaliilay Hoggaaminta Madaxwayne Siilaanyo oo maanta Xabsiga loo taxaabay

Hargeysa, 14 April, 2012 (SLpost)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta Xabsiga Dhigay Mujaahid Haybe Faarax Nuur oo ah Abwaan Reer Somaliland ah oo ku dhaqan Magaalada Gabiley kana mid ahaa Mujaahidiintii Ururkii SNM ka dib markii uu suugaantiisa ku dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo.

Mujaahid Haybe waxa uu madaxweynaha Dhaliishiisa u mariyey mid ka mid ah wargeysyada caasimadda ka soo baxa isaga oo Madaxwayne Siilaanyo ku Dhaliilay Hogaamintiisa Siyaasiga ah tan iyo wakhtigii uu ahaa Gudoomiyaha ururka SNM oo uu Sheegay inuu ku Dhaqmi jiray Cadaalad Darro, Eex iyo Qabiilaysi.

Goobjooge ku Dhawaa goobta lagu Qabtay Abwaanka ayaa Sheegay in Ciidan Tiro badan la dulgeeyay Abwaanka islmarkaana Gaadhi Qufulan lagu soo qaaday haddana uu ku Xidhanyahay Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Gabiley.

Ma jiro Waaran Qabasho ah oo Abwaanka loo keenay Balse Ciidanku Waxa uu Xoog ku soo qabtay Abwaan Haybe Faarax Nuur oo aan la Garanayn Ujeedada ka Danbaysa Xadhigiisa,balse lala xidhiidhinayo Qabashadiisa dhaliilo uu madaxweynaha warbaahinta u mariyey kaas  oo ku sheegay Dhawr Gabay oo ku Dhaliilay Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo

Abwaan Haybe Faarax Nuur waxa uu tiriyay Maansooyin badan oo Ku Dhaliilayo Hogaaminta Axmed Siilaanyo kuwaas oo ku Sheegayo in aanu ahayn Madaxwayne Cadaaliya Waxaa ka mid ah Maansooyinka Abwaanku Tiriyay Ereyadan:

Ninka Dawlad meeraran,

Daadihi la yidhoow,

Dayacdoo xilkaagii,

Hawshii laguu diray

dusheedaad ku gama’adoo,

Daa,uus sidaad tahay

Waad isdaawanaysee,

Dadkii kugu khasaaryoo,

Dabadhoonka maqashiyo,

Ma Xirsaa ku Daafici,

Mise waad iskaga degi doqoniimo qaadee

Abwaankan ayaa ka mid noqonaya qofkii labaad ee loo Xidho Dhaliisha Madaxwayne Siilaanyo isaga oo hore Xabsiga ugu jiray Boqor Cismaan Buur madow.

SLpost News/Hargeysa