85 Qof Oo Ku Dhintay Wiish ku Soo Dumay Xaramka

 

Makka(SLpost)-Ugu yaraan 85 qof ayaa ku dhintay masaajidka weyn ee magaalada Makka kadib markii wiish uu ku dumay dhismaha masaajidka.

77615968-4661-4F98-AE96-E688481DD3C9_w640_r1_s

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in 185 qof oo kale ay shilkan ku dhaawacmeen. Masaajidka waxaa ku socday dhisme lagu balaadhinayo. Shilkan ayaa dhacay iyadoo boqollaal kun oo Muslimiin ah oo daafaha dunida ka kala yimid ay ku sugan yihiin magaalada barakaysan ee Maka si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Masaajidka kacbada ayaa ah kan ugu weyn caalamka, waxaana ku yaalla goobaha barakaysan ee diinta Islaamka, waxaana booqda sannad walba malaayiin qof oo Muslimiin ah.