Wasiirka Tamarta Somaliland Oo Ka Waramay Kala Duwanaashaha Somaliland Iyo Somalia

(SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo  Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland,  Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa shaaca ka qaaday xasiloonida iyo amaanka ka jira Somaliland yahay farqiga u dhexeeya Soomaaliya, laakiin iyagana u rajaynayaan maadaama   jaarkooda  yihiin.

Wasiirka-Macdanta

 

 

 

 

 

 

 

 

Eng. Ducaale oo ka hadlayey wareysi telefishanka CBC, ee dalka Maraykanka, barnaamijkiisa  (60 Minutes) weydiiyey kala duwanaanshaha u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Waxaanu haysanaa xasilooni iyo nabadgelyo badan, waa amaan, waana hanti weyn oo aanu leenahay. Waxaanu u rajaynayna xasilooni Soomaaliya, waa dal aanu jaar nahay.”

Wasiirku wuxuu  sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal qaan-gaadh ah, mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sababta aqoonsi caalami ah uu wali  dalkiisu u raadinayo, waxaanu yidhi,“Dalka

Somaliland taariikh dheer ayuu soo maray gaadhaysa 132 sannadood, wakhti uu ahaa maxmiyadii British-ka, ka dibna xornimadii ka dib 30 sannadood ayay midnimo lagu khasaaray dhexmartay Soomaaliya, intaas ka dib, dib ayaanu u bilownay yagleedida dalkayaga annagoo dhaqaale kooban haysanay, wax taageero caalami ah ka helin beesha caalamka.”

Eng Ducaale ayaa sheegay inay ka soo bilaabeen dhismaha dawladnimada Somaliland halka ugu hoosaysa;“Waxaanu ka soo bilownay dhismaha halka u hoosaysa, maadaama midnimadii aanu la galay Soomaaliya lagu guuldaraystay, isla markaana  ay keentay dagaal Soomaaliya ku soo qaaday  shacabkii dalkayaga (Somaliland), taasina waxay keentay inaanu jirin wax damboo aanu wadaagi karno Soomaaliya,”ayuu yidhi Wasiirka Macdantu, waxaanu intaas ku daray; “Xaqiiqadii hore ayaanu u soconay, madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland waa  masiir ummadeed oo aan gorgortan lahayn.”

 

Somalilandpost.net