Yaan laysku qaldin Golahan Toosinta iyo Golayaasha Qaranka ee Distuuriga ah – W/Q: Mohamed Ali

Asalaamu caleykum, Ramadaan kariim
Waa maqaal kooban oon doonanayo inaan wax yar ka idhaahdo Golaha Toosintane ee ayaamahan dambe muranka badani kataaganyahay.

Horta yaan laysku qaldin Golahan Toosinta iyo Golayaasha qaranka ee distuuriga ah. Aan isweydiino maxaa kadhexeeya ee ay iskaga midyihiin maxayse kukala duwanyihiin.

Waxay ilatahay sidan,

1. Golayaasha Qaranku waakuwo qaab doorasheed, mudo xileed, shaqo cayiman oo Golayaashan Qaranku iyaga laftoodu kukalduwanyihiin leh, waxay leeyhiin astaamo badan ood wada garanaysaan oo aanan imika halkan kusoo koobikarin.

Shaqadoodii loo igmaday maksoo bexeen? Taasi waa su’aal kale una baahan dood ugaara.

2. Golahan Toosinta labaxay ee odayaasha miisanka culus leh ee aynu wada garanaynaa Hargeysa kaga dhawaaqeen waa midsideeya? Waxay ilatahay

a) Waa mid AMRU BILMACRUUF WANAHYU CANILMUKARAR dhinaca siyaasada ah, b) Waa Gole lamida sida kuwan shacabku samaystaan ee aykamidyihiin SSE,SOYCA, SNYO, SDO IWM. Mana aha gole distoriya iyana maysheegan.

3. Maxay iskaga midyihiin?

a) Waxay iskaga midyihiin oo keliya arayga “GOLE”. Isna (waa magaca gole e) muxuu lamidyahay? Wuxuu lamidyahay sida  arayga “President” oo kale marna Dal u ah madaxweyne markalena hoos udhaadhaca oo unoqda madax Company, Organisation, Club IWM.

Hadaba waxa meesha taala Odayaashan Siyaasiyiinta ruugcadaaga ahi waxay yidhaahdeen wanu idinlatalinaynaa hadaad tihiin Dowladda, Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada Qarankaba. Sidaa daraadeed yaan laqoonsan hanalasoo dhaweeyo. Maxaad kudiidi qof kuyidhi waan kulatalin wixii kaa khaldanna aadaan kuusheegi si aad isaga saxdo.

Wabillaahi tawfiiq.

Allah Mahadleh
Mohamed Ali
malimohamoud@aol.co.uk
London