Yaa Ka Masuul ah Sariibadda Gobanimo?

Hargeisa waxay leedahay suuqyo badan, se waxa ugu wayn laba suuq mid waa suuqa Waaheen ama Shiraaqle ka labaadna wa suuqa Gobanimo, suuqa Gobanimo oo caan ku ah khudradda, caanaha, iyo qalabka guryaha lagu qurxiyo waxa ku ganacsada dad aad u fara badan una badan dan yar. Dawalddu waxay hinidstay in dadka dan yarta ah ee ka ganacsada khudradda isla markaana laga qaado cashuur in loo dhiso hangaro ay ku hoos ganacsadaan oo ay ka galaan roobka, cadceeda, dabaylaha iyo dayaca kale badan ba.

Haddaba sariibadda Gobanimo waxa hindiseheeda la bilaabay badhtamahi 2017, waxaana maal-gelinta laga bixinayay sanduuqa JPLG-ga oo dawladda hoose ku darsato wax ku dhaw 14% inta kalena ay ka timaado hay’adaha deeq bixiyayasha, waxay shaqada banaynta iyo dhiska si rasmi ah loogu bilaabay Feb 2018, halkaaso oo ay ka dhacday munaasabad ay kaso qayb galeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Maayir Cabdiraxman.

 

Munaasabadaas waxa lagu qiray aadna carrabka loogu adekeeyay in dadka laga raray meesha ee marki hore deganaa qofkasta la siyay kaadh kaaso oo hadhow boos u ku heli doono, isla markaana aan cid kale oo bannaanka kaga timaadda aan la siinaynay wax boos ah intaasina ay dawladda u diwaan gashantahay.

Labada hangar waxay qaadatay dhiskoodu muddo ku siman 11 bilood. Hangaradu waxay ka samaysan yihiin jaajur iyo jiingad, waxa aan uga jeeda ma laha tirar shub ah iyo sagxad shub ama sagbad ah, inta aan ka arkay gudaha hangarku gidaaro boos-boos u kala qaybiya ma laha ee wa isku furanyahay.

waxa xadhiga laga jaray sariibada Gobanimo ee hadda lagu magaca daray Soltelko 11, July, 2019. Xaflad aad looso agaasimay aadna loogu mahadiyay Maayirka ayaa lagu dhex qabtay hangarada, Haddaba sida caadiga ah waxay ahayd haddiba xadhiga laga jaray in dadki bosaska laga kiciyay ee sugayay in dib lo dejiyo oo logu wareejiyo boosaskoodi, se waxa lagu wareejayay ciidan bilays ah oo lagu yidhi gaadh ka haya ilaa amar danbe.

Muddo dhan 40 casho ayaa maanta laga jooga inti xadhiga laga jaray ee anay cidna gelin hangaradaas dadkiina weli sidi u wadhanyahay dariiqyada. runti dhib badan ayay ku jiraan dadki danyarta ahaa ee mudaadas sugayay oo meel kale ma aysan tegine, waxay fadhiisteen dariiqa wayn agtiisa dabadeed waxay noqotay dhib wayn oo saamaysay danyarti ku ganacsanaysay, babuuburti meesha mareyasay iyo dadki kale ka adeeganayayba, sababt oo ah ma jirto meel laba gaadhi isku dhaafan ama u qof istaago ba.

Runti qof kasta wuxu is waydiinaya su’alo faro badan marku arko xaal sidu yahay oo ay ka mid tahay yaa meesha loo dhisay?, hadiiba la wareejiyay yaa lagu wareejiyay?, horta ya ka masuul ah iminka ileen masuulki dhisayay wa wareejiyaybe?, guddidi la shaqaynaysay dawladdu ee matalaysay dadka meesha loo dhisayay meeday?

Ugu danbeynti waxa aan kuso gabogabaynaa meesha xan badan ba ka jirta oo suuqa dadku si isku mid ah kuugu sheegayaan, ee waxaan leeyahay Allihi idin abuurayba ka xishooda dadkana caqligooda yaan la caayin. Taarikhdana ha iska xumaynina ee meeshaas dadki loo dhisay ee cashuur biixiyaasha ahaa si degdeg ah ha loogu wareejiyo.

Fiiro-Gaar ah:

Labada link-ki ee hoos ku qoran wa malinki la baneeyay iyo maalinki xadhiga laga jaray munasabadihi dhacay war bixinihi laga duubay.

1. https://youtu.be/I93600fs-tE
2. https://youtu.be/QXQq2QGBtIo

Waxa Qoray;
Cabdiraxmaan Ismaciil Maxamed (Cawl)
Abdirahmaan.dr@gmail.com